Kadib is ballaarintii Al Shabaab Maamulka PUNTLAND Oo Uqeylla-dhaansaday Dowladaha Itoobiya,Mareykanka Kenya iyo Midowga Yurub.

Thursday March 17, 2016 - 20:20:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kadib is ballaarintii Al Shabaab Maamulka PUNTLAND Oo Uqeylla-dhaansaday Dowladaha Itoobiya,Mareykanka Kenya iyo Midowga Yurub.

    Dagaallo aan sidaasi u xooganayn ayaa dib ugasoo cusboonaaday deegaanno katirsan gobolka Nugaal ee waqooyi Bari soomaaliya halkaasi oo uu kajiro maamulka Puntland isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirrada Maamulka Puntland ayaa kaalma weydiistay Beesha Caalamka
Dagaallo aan sidaasi u xooganayn ayaa dib ugasoo cusboonaaday deegaanno katirsan gobolka Nugaal ee waqooyi Bari soomaaliya halkaasi oo uu kajiro maamulka Puntland isku magacaabay.

Wararka ka imaanaya deegaanka Suuj iyo Gaarmaal ayaa sheegaya in dagaallo ay dhaceen maanta waloow dagaalkii maanta uusan gaarsiisnayn xaddiga dagaalkii shalay.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay in weeraro dhabagal ah ay kala kulmeen ciidamada shabaabul Mujaahidiin balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii maanta.

Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa markii ugu horraysay u qeylladhaansay waxa loogu beesha caalamka.


Kulan ay magaalada Garowe ku yeesheen golaha wasiiradda maamulka Puntland ayay kasoo saareen warsaxaafadeed kaalma weydiisasha ah iyagoo muujiyay walaaca ay ka qabaan duullaanka ballaaran ee uga yimid shabaabul Mujaahidiin.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay ciidamada Isbahaysiga NATO ee duullaanka ku joogga xeebaha soomaaliya, Maamulka Cabdi Wali Gaas wuxuu sheegay in isku xir uusan ka dhaxayn dowladaha ciidamadoodu kusoo duuleen soomaaliya iyo maamullada dalka kajira.

"Puntland waxay ugu baaqaysaa dowladaha soomaaliya ka gacan siiya la dagaalanka Argagaxisada oo ay kamid yihiin IGAD Jabuuti,Itoobiya,Kenya Midowga Yurub iyo Mareykanka in ay Puntland ka gacan siiyaan Argagaxisada kusoo wajahan mandiqadda oo idil”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Garoowe.

Bayaan kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa loogu qeylla-dhaansaday Itoobiya iyo Midowga Yurub

Puntland oo Hoggaamiyaheedu uu horay u sheegay in aysan u baahnayn ciidan shisheeye oo ay isaga filanyihiin xarakada Al Shabaab ayaa si lama filaan ah ugu gacan haatiyay dowladaha shisheeye oo ay Itoobiya kamid tahay.

Maamulka Puntland ayaa qiray in xarakada Al Shabaab ay dhul hor leh ka qabsatay islamarkaana ay u hanqal taagayaan sidii ay uqabsan lahaayeen dhul hor leh.

Warkan gargaar waydiisashada ah ee ku socda Itoobiya iyo Mareykanka ayaa muujinaya sida Xarakada Al Shabaab ay cadawgeedu ugu jiha wareerisay dagaalka mudada dheer qaatay ee ka socda dalka soomaaliya.

Dadka falanqeeya arrimaha Jihaadiyiinta ayaa sheegaya in Al Shabaab ay furin cusub ku furtay mid kamida maamullada ugu dabadhilifsan Soomaaliya waa maamulka Puntland oo geed fadhi ay u tahay xabashida Itoobiya.

Maamulkan oo uu aas-aasay dagaal oogihii dhintay ee Col. C/llaahi Yuusuf ayaa leh taariikh madoow wuxuuna ku lug lahaaday falal dambiyeedyo ka dhan ah shacabka soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items