Askar iyo Saraakiil Ruush ah oo lagu dilay Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Ximis ee Dalka Suuriya.

Saturday March 19, 2016 - 12:31:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Askar iyo Saraakiil Ruush ah oo lagu dilay Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Ximis ee Dalka Suuriya.

    Xoogagga Dowladda Islaamiga ah ee Dalka Suuriya ayaa sheegay in Shan Askari oo Ruush ah inay ku dileen dagaallo maalintii shalay ka dhacay magaalada Tadmur ee Gobolka Ximis ee bartamaha dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Dowladda Islaamiga ah ee Dalka Suuriya ayaa sheegay in Shan Askari oo Ruush ah inay ku dileen dagaallo maalintii shalay ka dhacay magaalada Tadmur ee Gobolka Ximis ee bartamaha dalkaasi.



Mid ka mid ah Afarta Askari ee Ruushka ah ee la dilay waxaa la sheegay inuu ahaa la taliye sare oo dhinaca Meliteriga ah, waxaana Askartani ay dhinteen xilli ay ka qeyb qaadanayeen dagaallo ka dhacayay duleedka magaalada Tadmur. Mujaahidiintu waxay baraha Internetka ku faafiyeen Muuqaallo iyo Sawirro muujinaya Meydka Sarkaalkaasi iyo hubkii uu sitay.



Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Xukuumadda Moscow ay qiratay in iska hor imaadyadii cuslaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Ximis inay ku weysay Afar Askari oo ka tirsan Ciidamadeeda, islamarkaana ay la’dahay halkii uu ku dambeeyay Askari kale oo Shanaad, waxaana Askariga la’la yahay loo maleynayaa inuu yahay midkii ay Meydkiisa soo bandhigeen xoogagga Mujaahidiinta ee dalka Suuriya.

Dhinaca kale kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa magaalada Dhardhuus ee Gobolka Laadiqiyah ku dilay mid ka mid ah duuliye-yaasha diyaaradaha dagaalka ee Nidaamka Nuseyrga ah ee dalka Suuriya.

Dilka Duuliyaha waxaa loo adeegsaday Toorey, waxaana meydkiisa laga helay meel beer ah oo ku taalla duleedka magaaladaasi. Maamulka Nuseyrga ah ee hoggaamiyo Bashaar Al-Asad ayaa si buuxda u maamula magaaladada Dhardhuus ee Gobolka Laadiqiyah, waxaana dilkan tooreyda loo adeegsaday uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo lagu beegsado Askar ka tirsan Ciidamada Nidaamka Nuseyriga ah.

Related Items