Daawo:Inkabadan 60 ruux oo ku dhintay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Ruushka.

Saturday March 19, 2016 - 13:47:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Inkabadan 60 ruux oo ku dhintay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Ruushka.

    Diyaarad ay iska laheyd Shirkadda duulimaayda ee Fly Dubai ayaa ku bur burtay gedida diyuuradaha ee Rostov On Don ee kuyaalla Koonfurta dalka Ruushka, xilli ay dooneysay inay garoonkaasi caga dhigato, waxaana shilkaasi ku dhintay 62 ruux oo diyaaradd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad ay iska laheyd Shirkadda duulimaayda ee Fly Dubai ayaa ku bur burtay gedida diyuuradaha ee Rostov On Don ee kuyaalla Koonfurta dalka Ruushka, xilli ay dooneysay inay garoonkaasi caga dhigato, waxaana shilkaasi ku dhintay 62 ruux oo diyaaradda la socday.

Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee Dalka Ruushka ayaa sheegay in baaritaannada horudhaca ah ee la sameeyay ay tilmaamayaan in diyaaradda ay Salka dambe ku dhufsatay dhulka wakhtigii ay dooneyay inay Garoonka ku dagto, taas oo keentay in qarax weyn uu ka dhasho gudaheeda, islmarkaana ay ku dhintaan dhammaan dadkii diyaaraddaas la socday.

Inta badan dadkii saarnaa diyaradda bur burtay ayaa waxay kasoo jeedeen dalka Ruushka, iyadoo 11 ruuxna ay u dhasheen Jinsiyado kala duwan, inkastoo laamaha Socdaalka ee dalkaasi aysan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin Wadamadii ay u dhasheen dadkii Shilkaasi ku dhintay.


Haweeneyda ku magacaaban Wasaaradda Gaadiidka ee Dowladda Ruushka ayaa u sheegtay Telefeshinka Dowladda in bur burka diyaaradda loo sababeyn karo Cimillada oo xumaa iyo khalad farsamo oo ay dhici karto inuu galay duuliyihii diyaaradda, waxayna xustay in diyuuradda ay ku bur burtay gudaha Garoonka Rostov On Don, gaar ahaan meel 250 Mitir u jirta dhabbaha ay ku ordaan diyaaradaha.

Dhinaca kalena War kasoo baxay Shirkadda Fly Dubai ayaa waxay ku sheegtay inay baareyso sababihii ka dambeeyay shilkaasi, waxaana Shirkaddu ay tilmaantay in diyaaradda ay la socdeen 55 rakaab ah oo kala ahaa 33 haween ah, 18 rag ah, Afar Carruur ah, iyo todobo ruux oo ahaa Shaqaalihii diyaaradda.


Isha qoraalka AmiirNuur Media

Related Items