Cabdi Wali Gaas oo Dowladda Itoobiya Ka Codsaday in ay Bad Baadiso Xarakada Al Shabaab.

Saturday March 19, 2016 - 14:54:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Wali Gaas oo Dowladda Itoobiya Ka Codsaday in ay Bad Baadiso Xarakada Al Shabaab.

    Hoggaamiyaha maamulka 'Puntland' ayaa bilaabay in uu dowladda Xabashida Itoobiya waydiisto taageero dhanka melleteriga ah oo ka dhan ah xarakada shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Wali Gaas ayaa lakulmay saraakiisha ugu sarraysa Melleteriga Itoobiya
Hoggaamiyaha maamulka 'Puntland' ayaa bilaabay in uu dowladda Xabashida Itoobiya waydiisto taageero dhanka melleteriga ah oo ka dhan ah xarakada shabaabul Mujaahidiin.


Cabdi Wali Gaas oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ugu sarraysa melleteriga Itoobiya.

Maamulka Puntland oo kamid ah maamullada taabacsan Xabashida Itoobiya ayaa xukuumadda Addis Ababa ka codsaday in ay ka difaacaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya Jeneraal Samara Yahoonis ayaa sheegay in Itoobiya ay ka walaacsantahay is ballaarinta xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee deeganada Puntland.


Saraakiisha uu Cabdi Wali Gaas lakulmay waxaa kamid ah Jeneraal Gabre oo ah xaakimka Itoobiya ee gumeysiga Soomaaliya, Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Itoobiya ay maamulka Puntland u ballanqaaday in ay ka xoojin doonto dhanka hubka iyo siyaasadda.

Cabdi Wali Gaas ayaa BBC-da u sheegay in socdaalkiisa Addis Ababa uu ahaa kaalma weydiisasho isagoo xaqiijiyay in Itoobiya ay ka taageeri doonto la dagaalanka xarakada Al Shabaab.

Xabashida Itoobiya ayaa dusha sare ka ilaashata maamullada danaheeda ka shaqeeya ee kajira soomaalida sida magaalooyinka Hargeysa,Garowe,Dhuusamareeb baydhabo iyo Kismaayo.

Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa duullaan ku jooga gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ciidadamaasi ayaa iska cabin adag kala kulmaya xoogaga shabaabul Mujaahidiin oo ah awoodda kaliya ee shacabka soomaaliyeed u difaaca diinka iyo dalka.

Related Items