Afar Carruur ah Oo Ke Geeriyooday Deegaan Hoos Taga Degmada C/Waaq Ee Gobolka Galguduud.

Saturday March 19, 2016 - 15:18:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Carruur ah Oo Ke Geeriyooday Deegaan Hoos Taga Degmada C/Waaq Ee Gobolka Galguduud.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka soomaaliya ayaa sheegaya in afar carruur ah ku geeriyoodeen deegaan hoos yimaad magaalada Caabud-Waaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka soomaaliya ayaa sheegaya in afar carruur ah ku geeriyoodeen deegaan hoos yimaad magaalada Caabud-Waaq.

Jaamac Shire Gelle oo waalid u ah qaar kamid ah carrurta geeriyootay ayaa sheegay in saaka aroortii ay ku hafmeen Baraag biyaha laga cabo oo kutaal deegaanka Shiilo Madoow oo qiyaastii 10 KM ujirta magaalada Caabu-Waaq.

Wuxuu sheegay in carruurta dhimatay sedax kamid ah ay walaala ahaayeen, dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in meydadka carruurta laga helay iyagoo dul sabeynaya biyaha barkadda.

Dadka dega gobollada Mudug iyo Galguduud ayaa dhista Barkado shub ka sameysan oo ay biyaha ku keysadaan xilligan diraaca ee roobku da’o si ay u cabaan waqtiga Jiilaalka sida xilligan oo kale.


Carruur iyo dad waaweyn ayaa horay ugu dhintay wara biyoodyo iyo barkado ay ku dhaceen, sanaddii lasoo dhaafay war biyood kutaal duleedka degmada Diinsoor waxaa ku dhintay sedax carruur ah oo xiligaasi warta ku dabaalanayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items