Dagaallo U Dhaxeeya Ciidamada Al Shabaab iyo Puntland oo ka dhacay Deegaanka Galgala Ee Duleedka Boosaaso.

Sunday March 20, 2016 - 09:29:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Dagaallo U Dhaxeeya Ciidamada Al Shabaab iyo Puntland oo ka dhacay Deegaanka Galgala Ee Duleedka Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee dhaca waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ku dhaxmareen ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ciidamada Maamulka Puntland ayaa weeraro kala kulmaya Shabaabul Mujaahidiin.
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee dhaca waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ku dhaxmareen ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa maamulka Puntland.

Xalay fiidkii ayaa weeraro culus lagu qaaday saldhigyada ciidamada Puntland ee deegaanka Galgala kadibna waxaa xigay dagaallo saacado badan qaatay oo labada dhinac dhaxmaray.

Dayranka rasaasta iyo madaafiic labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa laga maqlayay magaalada Boosaaso iyo deegaanada hoos yimaad.

Faah Faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladii ka dhacay Galgala, waa habeenkii sedaxaad oo weeraro ay la kulmayaan ciidamada Puntland ee Boosaaso iyo Galgala ku sugan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items