Dowladda Mareykanka oo Wadaada Xumyaal Ku Kacsan Xarakada Al Shabaab ku Kulmisay Wadanka Jabuuti.

Sunday March 20, 2016 - 12:13:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka oo Wadaada Xumyaal Ku Kacsan Xarakada Al Shabaab ku Kulmisay Wadanka Jabuuti.

    Magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti waxaa ka furmay shir ay soo qaban qaabisay dowladda Mareykanka kaasi oo diiradda lagu saarayo ka hortagga waxa loogu yeero Argagaxisada iyo Xagjirnimada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti ayaa xaliif dhow oo ka dhan ah 'Argagaxisada' la ah Dowladda Mareykanka.
Magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti waxaa ka furmay shir ay soo qaban qaabisay dowladda Mareykanka kaasi oo diiradda lagu saarayo ka hortagga waxa loogu yeero Argagaxisada iyo Xagjirnimada.

Shirkan oo ah midkii Afaraad ee ka dhaca bariga qaaradda Afrika waxaa ka qeyb gelaya wadaada xumayaal lagasoo aruuriyay wadamada dhaca bariga qaaradda Afrika.

Wufuud caalami ah ayaa shirka ku sugan iyo saraakiil ka socota hay’adaha ammaanka ee wadamada dhaca bariga qaaradda Afrika.

Shirka ayaa looga doodayaa qodob ciwaankiisu yahay "Xoojinta amniga Fikirka”, oo loola jeedo in dhanka mabda’a lagala dagaalamo bulshada muslimka bariga qaaradda afrika.


Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in caalamku uu la dhibanyahay dhalinyarada xambaarsan fikirka Jihaadka kuwaasi oo weeraro ugeysanaya reer galbeedka iyo dowladaha qaatay waxa loogu yeero sharciyadda caalamiga ah.

"Fikirka xagjirka ee wax burburiya dhibaata daran ayuu ku hayaa quruumaha adduunka oo soomaaliya iyo Jabuuti kamid yihiin, culimada halkan fadhida iyo madaxda ammaanka waa in ay iska kaashadaan sidii amniga dhanka Fikirka loo xoojin lahaa” sidaas waxaa yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Safiirka Mareykanka ee wadanka Jabuuti oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay sidii qeybaha bulshada wadamada geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen wax uu ugu yeeray ka hortagga xagjirnimada.

Aadam Xasan Aadam oo ah wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Jabuuti oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in adeegsiga dhax-dhaxaadnimada diimeed ay yihiin waxa kaliya ee lagu hor istaagi karo faafinta fikirka Jihaadka.

"Diinta islaamka waa dhax dhaxaad balse nasiib darro maanta kuwa badan oo culimo sheeganaya ayaa ku baaqaya in dhalinyaradu is qarxiyaan oo ay dilaan dadka kale ee aan muslimka aheyn, haddii xukuumadaha iyo culimadu iska kaashadaan faafinta dhax-dhaxaadnimada diinta xagjirayaashu garab way wayn lahaayeen oo waxay noqon lahayeen tuke cambaar leh”ayuu yiri wasiir awqaafta Jabuuti.

Shirka ka dhanka ah Jihaadka iyo Mujaahidiinta waxaa si daran loogu cambaareeyay xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyadoona saraakiil Mareykanka iyo sacuudiga ka socotay oo madasha fadhiyay ay soo jeediyay talooyin lagu dhicisayn karo jihaadka soomaaliya.

Wadaada xumayaasha ka qeyb gelayay shirka waxay ka kala yimideen Jabuuti,Kenya Itoobiya,Ruwanda,Sacuudiga Turkiga Gambia,Soomaaliya Suudaan,Yemen Masar.

Shirkaan midkii ka horreyay waxaa lagu qabtay magaalada muqdisho waxaana lagasoo saaray qodobo dhammaantood dalbanayay in la joojiyo halganka ah shacabka soomaaliyeed kula jiraan ciidamada shisheeyaha soomaalida kusoo duulay.

Jamaacaadka Jihaadiga ah ee muslimiinta ka difaacaya duullaanka shisheeye islamarkaana soo rogaya ku dhaqanka shareecada Islaamka ayaa loo yaqaan Argagxiso,Xagjirayaal iyo sifaad kale oo fool xun halka dowladaha dimuquraadiga ku dhaqma loo yaqaan ilbax caalami ah oo barwaaqo gacmaha kusida!!

Dhammaan shirarkan waxaa maalgelinaya Mareykanka iyo xukuumadda Aala sacuud oo labaduba dagaal dhan walba ah kula jira jihaadka iyo mujaahidiinta.

Saabir Cadde Xasan
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items