Dagaallo Udhaxeeyay Mujaahidiinta iyo Shisheeyaha oo ka dhacay gobollada Dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Friday July 18, 2014 - 14:57:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Udhaxeeyay Mujaahidiinta iyo Shisheeyaha oo ka dhacay gobollada Dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

    Wararka ka imaanaya wilaayaadka islaamiga Soomaaliya ee shisheeyuhu kusoo duulay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wilaayaadka islaamiga Soomaaliya ee shisheeyuhu kusoo duulay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen.

Ciidamada mujaahidiinta ayaa xalay dagaal culus ka galay degmada Xudur ee gobolka Bakool hakaasi oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Dagaalka oo ay ka qeybgelayeen gaadiidka dagaalka mujaahidiinta ayaa ku fiday xaafado badan oo katirsan magaalada Xudur,dad ku dhaqan duleedka Xudur ayaa sheegaya in ay maqleen daryanka rasaasta iyo madaafiic ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Ciidamada mujaahidiinta wilaayada Hiiraan ayaa iyana weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada Jabuuti ee degmada Buula Barde waxaana larumeysanyahay in dagaalkii xalay khasaara ka dhasheen.


Dhinaca kale weerar xooggan ayaa lagu qaaday saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Siinka dheere ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dagaalladan ka dhacay gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli lagu gudajiro bisha barakaysan ee Ramadaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo
Muqdisho

[email protected]

Related Items