Video+Sawirro:Sedaxdii Ugu Dambeysay Xayawaanka Wiyisha Caalamka oo Lagu Xanaanaynayo Wadanka Kenya.

Saturday March 26, 2016 - 11:52:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 10577
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video+Sawirro:Sedaxdii Ugu Dambeysay Xayawaanka Wiyisha Caalamka oo Lagu Xanaanaynayo Wadanka Kenya.

    Caalamka oo idil waxaa ka dabar go'ay xayawaanka loo yaqaan wiyisha marka laga reebo wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika oo lagu helay sedax katirsan xayawaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka oo idil waxaa ka dabar go'ay xayawaanka loo yaqaan wiyisha marka laga reebo wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika oo lagu helay sedax katirsan xayawaankaasi.

Saraakiisha Kenya waxay ku dhawaaqeen in seerada xanaanada xoolaha ee Safari lagu xareeyay sedax katirsan xayawaanka oo laba kamid ah ay yihiin dhidig halka midka kale uu yahay lab.

Sanaddii lasoo dhaafay waxaa dhintay midka kamida wiyisha xilli uu ku sugnaa xero kutaal gudaha wadanka Kenya.

Wasaaradda duurjoogta Kenya waxay sheegtay in sedaxda xayawaan ee Wiyisha ay u sameysay ciidan gaar ah oo ka ilaaliya ugaarsatada islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii xayawaanka aanu uga dabar go’i laheyn wadankeeda.


Xayawaanka Wiyisha ayaa kasoo dabar go’ay caalamka oo idil kadib markii ugaarsi xad-dhaaf ah lagula kacay meelaha ugu badan ee Wiyishu ay ku nooleed waxaa kamid ahaa keymaha barwaaqada Savana ee wadanka Koonfur Afrika,Suudaan,Afrikada dhexe,Tanzania,Australia iyo Afrikada dhexe balse dhammmaan wadamadaasi waa ka dabar go’day oo ugaarsato ayaa cagta marisay.

Xayawaanka Wiyisha ayaa ah xayawaanka ugu weyn ee dhulka dushiisa kunool marka laga reebo maroodiga qaaradda Afrika culeyska jirka wayisha ayaa gaaraya 3500KG, waa xayawaan ku nool dhulka keymaha biyaha leh wuxuu cunaa cowska mana ahan xayawaan ugaarta.

Sababta uu caalamka uga dabar go’ay ayaa lagu sheegay malaayiin qof oo aaminsan in hilibkiisa nasiib lagu helo ama barwaaqo lagu gaaro!, faanta Wiyisha ayaa ah mid qaali ah iyadoo kotorobaan ahaan lagu kala iibsado.

Taranka Xayawaanka Wiyisha ayaa ah mid aan badnayn sababa laxariira 18 bilood oo hooyada wiyisha ah ay canuga caloosha kusidda waxaa sii dheer afartii sano hal mar ayay wiishu ilmaha qaaddaa.

Culimada xayawaanaadka dabagasha waxay leeyihiin wiyishu waxay ku socotaa wadadii uu maray xayawaanka Diniisooraat-ka oo hadda caalamka laga dabar jaray.

Dadka qaar waxay sheegaan in xayawaanka Wiyisha uu mar ku noolaan jiray dalka soomaaliya wixii ka horreeyay sanaddii 1980 xiligii ay jirtay dowladdii siyaad Barre.

 Hoos Ka Daawo Warbixin Telefeshinka Al Jazeera uu ka diyaariyay Wiyisha dalka Kenya



معلومات عن وحيد القرن الابيض بالصور
معلومات عن وحيد القرن الابيض بالصور
معلومات عن وحيد القرن الابيض بالصور
معلومات عن وحيد القرن الابيض بالصور
معلومات عن وحيد القرن الابيض بالصور
معلومات عن وحيد القرن الابيض بالصور

Waxaa Diyaariyay Saabir Cadde Xasan
[email protected]

Related Items