Rag hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Nin Somali-Canadian ah oo muddo sanada ah dalka dibaddiisa ku maqnaa.
Dad ku sugan degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay
in dablay hubeysan ay gudaha degmadaasi ku toogteen Sade Mahad Dirir oo uu
dhalay ganacsadaha caanka ah ee Mahad Dirir.
Sade ayaa la sheegay in uu muddo Afar sanadood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho
halkaasi oo uu howllo ganacsi ka waday wuxuuna xubin ka ahaa guddi ay leeyihiin
qurba joogta soomaalida.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ganacsade Mahad Dirir ay dileen kooxo loo
malaynayo in ay xiriir laleeyihiin sirdoonka dowladda Federaalka marka loo eego
goobta dilku ka dhacay iyo qaabka ay wax u dileen.
Inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn cidda dishay ganacsade Sade Mahad Dirir
hadane bilihii lasoo dhaafay ayuu murun baahsan oo ku aaddan lahaashiyaha
boosas iyo guryo kala dhaxeeyay mas’uuliyiin katirsan Ururka Damul Jadiid ee
Xasan Sheekh madaxda ka yahay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in Mid kamida Xaasaska
Madaxweyne Xasan Sheekh ay dhowr mar hanjabaad u jeedisay Sade Mahad Dirir
iyadoo ku eedaysay in uu iibsaday guryo hanti dowladeed ah.
Guddoomiyihii Hore ee gobolka Banaadir Muungaab ayay dhowr mar Sade Mahad isku qabteen lahaashiyaha guryo kuyaal halka ay iska galaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa Ee Waqooyi Bari magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho sanadadii lasoo dhaafay waxaa kajiray dhul boob baaxad leh
iyadoona qoyska talada haya ay xoog kula wareegeen guryo dad shacab ah leeyihiin,
ma ahan wax cusub in qof caan ah shaqadiisa ama hantidiisa laga disho horay
ayay falal nuucaan oo kale ah uga dhaceen degmooyinka gobolka Banaadir.
Saabir Cadde Xasan
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Yaa Dilay Maxaase loo Dilay Sade Mahad Dirir oo Rag Hubeysan ay Muqdisho Ku Khaarijiyeen WARBIXIN.
Rag hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Nin Somali-Canadian ah oo muddo sanada ah dalka dibaddiisa ku maqnaa.