Ciidanka Yahuudda oo si xun loogub Jebiyay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gaza.

Friday July 18, 2014 - 15:14:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Yahuudda oo si xun loogub Jebiyay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gaza.

    Ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa ku fashilmay isku day melleteri oo ay ku doonayeen in ay xoog ku galaan magaalada Gaza ee dhulalka filasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa ku fashilmay isku day melleteri oo ay ku doonayeen in ay xoog ku galaan magaalada Gaza ee dhulalka filasdiin.

Wararka ka imaanaya Gaza ayaa sheegaya in dagaallo culus ay hareeraha magaaladaasi ku dhaxmareen xoogaga mujaahidiinta Filasdiin iyo ciidanka Yahuudda.

Katiibada Cizudiin Qassaam oo kamid ah xoogaga ka dagaalamaya Gaza ayaa sheegtay in ciidankoodu ay dhabarka ka jebiyeen Yahuudda ayna ku guuleysteen in ay dib isaga waabiyaan soo duulayaasha.

Weerarka Gaza ayaa ah mid dhanka Cirka,dhulka iyo badda ah waxaana muuqatada in muslimiinta Gaza oo sugnaaday ay dhabarka ka jabiyeen Yahuudda.


Raadiyaha ku hadla afka ciidanka Yahuudda ayaa xaqiijiyay in hal askari looga dilay dagaal xoog ku gal ah oo daafaha magaalada ka dhacay islamarkaana 10 kale dhaawacyo soo gaareen.

Dhammaan xoogaga muslimiinta ee Filasdiin ka jihaadaya ayaa u midoobay difaacidda magaalada Gaza oo ah magaalada kaliya ee iska caabisay cadawga marka laga hadlayo magaalooyinka kale ee gacanta cadawga kujira.

Related Items