Gabyga Dowlad Jirid Weyn iyo Cabdullaahi Soomaali

Saturday July 19, 2014 - 06:27:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.1/5 Stars) Total Votes: 44
  • 6 2
  • Share via Social Media

    Gabyga Dowlad Jirid Weyn iyo Cabdullaahi Soomaali

    Iyadoo jihaad ka socda ciraaq iyo shaam uu sii xoogeysanayo Muslimiintuna rejeynayaan in guulo hor leh ay ku tilaabsadaan ayaa waxaa is soo taraya dadka arintaas bogaadinaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo jihaad ka socda ciraaq iyo shaam uu sii xoogeysanayo Muslimiintuna rejeynayaan in guulo hor leh ay ku tilaabsadaan ayaa waxaa is soo taraya dadka arintaas bogaadinaya.

Wariye Cabdulaahi soomaali ayaa tixdaan wuxuu kaga hadlayaa dowladda Islaamiga ah ee halkaas ka hana qaaday iyo sida loogu baahan yahay midnimada Mujaahidiinta lana xalliyo wixii mad madow ah oo jira waxaanuu gabaygiisa ku bilaabay.

Ninki jaawa raacaa wuxuu jilif lahaadaba,
Jiqda iyo howdkiyo wuxuu jarmo ku ilaalsho,
Jiilaalkiyo abaaraha wuxuu jeenan heli waayo,

Asigoo jandhagoo sidii jaydal wada soohmay,

Wuxuu juuc la riimoo hadba dhinac u jeestaaba,
Wuxuu jewi kuleyl badan cidlada joxor lahaadaaba,

wuxuu jiifi waayo hurdada kala jaqaafaanba,
jarku goorti uu curaya ee jeegaamada muujo,
Wuxuu jinawga daaqaa ama salool jadiintaaba,

geeli uu jirrabkaa u maree waayo daba joogay,
Jaan iyo karuur buu ka dhami jeerey noqotaabe,
Hadaan Hadalka kuu sii jilciyo kuna jibaaxsiiyo,

Jiibka iyo dhashiikuhu waxay wada jibaadanba,
Waxay jibin la moodkiyo dhacaan jalfisada miino,
Wax jihaadku xoogeysta oo cadaw la jiiraaba,


Jaraaxiyo xanuunka waxaan jariidka adkeynay,
Jaliilkeey haddii uu yiraa sida aan jeedaalshay,
Jabhadnimadi waa laga baxaa jeerkaan dabiidiiye,

Hadeerbey waxaaan jerin hayay soo jimbanayaane,
Jaceylka khilafaadu ninuu jiirta wada saaqay,
Oo jadbiyo hamuun daran u qaba amase jeel xoog leh,


Qalbigii ninuu jira ciraaq laguna jeebeeyay,
Ha yeeshee jismigii haroo dhinac u jaan qaadin,
Jubada dhexana ku nool saakow jirideeda,
Oo jallala baad mara hayoon joogin baan ahay’e.

Carrab iyo ilkaa jaar ahoon kala jermaadeyne,
Iyadoon xumaanu jirininna wey is jarayaane,
Jiiraankii walaalaha kufriga jeeniyada gooyay,


Hadday gobal is jiireen shaloo jadwel ka qaldoomay,
In ay kala jermaadaan ma rabo aniga jaalkeeye,
Jasadkeygu wuu diidan yahay kala jirkoodaase,


Ninki jaaha kiisiyo lahaa jaangooyada aarka,
Qureyshigi hadduu jaga helay jabad banaan tiillay,
Jirrab laga wanaagsan iyo inaan jikaarnaaye,
I jiid aan ku jiidee gacmay tabar jareysaaye
Jamaacooyinkoow raaca waa dowlad jirid weyne.

W/tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac {Cabduaahi soomaali}

Related Items