Jajuus U dhashay Wadanka Tanzania oo Lagu Dilay Degmada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Saturday April 02, 2016 - 10:28:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jajuus U dhashay Wadanka Tanzania oo Lagu Dilay Degmada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe.

    Xarakada Al Shabaab ayaa markale xukun daldalaad ah ku fulisay qof lagu helay isagoo ubasaasaya dowlado shisheeye oo ku lug leh dagaalka soomaaliya ka socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore ciidamada xarakada Al Shabaab
Xarakada Al Shabaab ayaa markale xukun daldalaad ah ku fulisay qof lagu helay isagoo ubasaasaya dowlado shisheeye oo ku lug leh dagaalka soomaaliya ka socda.



Maxkamada  Islaami ah oo kutaal magaalada Jilib Ee Jubbada dhexe  ayaa galinkii dambe ee shalay xukun dil ah ku ridday  nin jaajuus ah oo u dhashay dalka Tanzania kaasi oo in muddo ah jaajuus u ahaa sirdoonka dowladda Mareykanka.

Jaajuuska u dhashay dalka Tanzania ayaa lagu magacaabi jiray Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa kaasi oo da’diisu aheyd 27 jir,waxaana goobta fagaaraha ee lagu dilayay  ku sugnaay kumanaan ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Jilib  iyo deegaanada hoostaga.



Qaadiga Maxkamadda wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa fagaaraha xukunku ka dhacayay ku sheegay in Ciise oo ku dhashay magaalada Daarusalaam ee caasimadda Tanzania uu soomaaliya usoo nafiiray islamarkaana uu muddo sanada ah kamid ahaa ciidamada Xarakada Al Shabaab isagoo iska dhigayay mujaahid muhaajir ah wuxuuna jihaadka somalia kusoo biiray sanaddii 2013.

Ciise Jeymis ayaa maleegayay hagardaamooyin ka dhan ah shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah balse xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in ay fashilisay qorshahaasi guruucan.

Waa Markii ugu horraysay oo fal jaasuusnimo ah lagu helo Nin sheegan jiray Muhaajir dal dheer uga yimid difaaca diinta islaamka kadibna ay ku caddaatay in uu Mareykanka ubasaasaay oo lagu dilo meel fagaara ah oo xarakada Al Shabaab ay maamusho.

Halkan Ka Dhageyso Qaadiga Oo Xukunka Ku Dhawaaqay.


Isha Maqalka:idaacadda Andalus

Related Items