Sarkaal Katirsan DF-ka oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Qaraxyo Lagu Weeraray Xarunta Gobolka Banaadir.

Saturday July 19, 2014 - 06:43:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan DF-ka oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Qaraxyo Lagu Weeraray Xarunta Gobolka Banaadir.

    Magaalada Muqdisho wali waxaa kasii socda dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah dowladda Federaalka iyo shisheeyaha soo duulayaasha ah ee caasimadda ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho wali waxaa kasii socda dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah dowladda Federaalka iyo shisheeyaha soo duulayaasha ah ee caasimadda ku sugan.

Kooxo hubeysan ayaa degmada Hodon ku dilay sarkaal katirsanaa ciidanka Melleteriga DF-ka iyagoona qarax ku weeraray xarunta gobolka Banaadir.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay agagaarka isbitaalka digfeer ku toogteen Cali Yuusuf Dhicisoow oo kamid ahaa saraakiisha meleteriga.

Dhinaca kale laba kamid ah baalayaasha cadcadeedda ku shaqeeya ayaa lagu qarxiyay agagaarka Hoteelka Ramadaan ee degmada Yaaqshiid.


Jugta qaraxyo is xigxigay ayaa lamaqlay kadibna waxaa la arkayay holac ka baxayay wadada laamiga hareeraheeda,wararka ayaa sheegaya in gebi ahaanba ay gubteen labada baalle ee labeegsaday.

Goobta weerarku uu ka dhacay ayaa ku dhaw xarun KMG ah oo uu guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Muungaab uu dhawaan ka sameystay halka ay iska galaan degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid.


Liibaan Jeexoow

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items