Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay Afhayeenkii Jabhadda Al Nusrah Ee Wadanka Suuriya.

Monday April 04, 2016 - 12:02:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay Afhayeenkii Jabhadda Al Nusrah Ee Wadanka Suuriya.

    Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaadday adeegsiga diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka iyadoo beegsi ballaaran ku haysa hoggaamiyaasha jihaadka caalamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Sheekh Abuu Faraas Alsuuri Afhayeenkii Jabhadda Al Nusrah
Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaadday adeegsiga diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka iyadoo beegsi ballaaran ku haysa hoggaamiyaasha jihaadka caalamiga ah.

20-kii maalmood ee lasoo dhaafay ayay mareykanku duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha drone-ka ka fuliyeen wadamada Suuriya,Soomaaliya Ciraaq iyo Yemen waxayna ku dileen saraakiil katirsan jamaacaadka Jihaadiga ah.

Duqeyntii ugu dambeysay ayuu mareykanku xalay ka fuliyay gobolka Idlib ee waqooyiga suuriya wuxuuna ku dilay tobaneeyo katirsan mujaahidiinta Al Qaacidda faraca shaam.

Ragga Firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Suuriya ayaa sheegay in 21 qof ay ku shahiideen duqeyn ka dhacday xarun Jabhadda Al Nusrah ay ku laheyd gobolka Idlib.


Dadka lagu dilay Drone-ka waxaa kamid ah sheikh Abuu Faraas Alsuuriyi oo ku magacaawnaa Afhayeenka Jabhadda, dadka sheekha la shahiiday waxaa kamid ah wiil uu dhalay iyo 19 kamid ah askarta Jabhadda Al Nusrah.

Afhayeenkii Jabhadda Al Nusrah ayaa caan ku ahaa mawaaqifkiisa ad-adag ee uu ku diidanaa in Suuriya laga yagleelo nidaam Calmaani ah

Sheekh Abuu Faraas Al-suuriyi ayaa ku dhashay Suuriya sanadku markuu ahaa 1950-kii wuxuuna intabadan noloshiisa kusoo qaatay wadanka Afghanistan oo uu ujihad doontay bilaawgii sideetameeyadii.

Abuu Faaris ayaa lasoo rafiiqay hoggaamiyaal caan ah oo ay kamid yihiin Cabdalla Cazzaam,Osama Bin Laden,Aymen Al Dawaahiri iyo kuwa kale.

Saabir Cadde Xasan
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items