15 Lagu Dilay Dagaallo Culus oo ka dhacay Duleedka Degmada Bardaale gobolka Bay.

Saturday July 19, 2014 - 06:58:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    15 Lagu Dilay Dagaallo Culus oo ka dhacay Duleedka Degmada Bardaale gobolka Bay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay deegaanno gobolkaasi katirsan ku dhaxmareen maleeshiyaad amxaara kalkaal ah iyo ciidamada muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolonyo katirsan gaadiidka dagaalka Mujaahidiinta oo Baydhabo ku socdaalayay
Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay deegaanno gobolkaasi katirsan ku dhaxmareen maleeshiyaad amxaara kalkaal ah iyo ciidamada muslimiinta.

Dagaal saacado badan qaatay ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaan hoos yimaad degmada Bardaale ee gobolka Bakool oo ay ku suganyihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiintu ay wadada ugaleen kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka Toosweyne oo Bardaale hoos yimaad waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaara badan dhaliyay.

inkabadan 15 maleeshiyaad ah ayaa dagaalka lagu dilay hal gaarina waa lagubay sida ay sheegayaan dad ku sugan degmada Bardaale.


Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhinacyada dagaallamay waxayna dagaalladani qeyb ka yihiin howlgallada ciidamada mujaahidiinta ee bisha Ramadaan.


Mahad Yare
SomaliMeMo
Muqdisho

[email protected]


Related Items