Daawo:Jabhadda Al Nusrah oo Diyaarad Dagaal Kusoo Ridday Dalka Suuriya.

Wednesday April 06, 2016 - 12:50:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Jabhadda Al Nusrah oo Diyaarad Dagaal Kusoo Ridday Dalka Suuriya.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada nidaamka Bashaar Al-asad iyo maleeshiyaadka shiicada kasoo gaaray dagaallo culus oo shalay ka dhacay qeybo katirsan waqooyiga Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada nidaamka Bashaar Al-asad iyo maleeshiyaadka shiicada kasoo gaaray dagaallo culus oo shalay ka dhacay qeybo katirsan waqooyiga Suuriya.

Wararka ka imaanaya gobolka Xalab ayaa sheegaya in dagaalyahanada Jabhadda Al Nusrah oo ku xiran Ururka Al Qaacidda ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay diyaaradda oo dhulka ku dhacaysa kadib markii lala helay gantaal nuuca lidka diyaaradaha ah.

Ragga Firfircoon ee soo tabiya kacdoonka suuriya ayaa sheegay in Jabhadda Al Nusrah ay gacanta ku dhigtay duuliyihii diyaaradda oo kasoo jeeda gobolka Laadiqiyah ee galbeedka Suuriya.


Mujaahidiinta Al Nusrah waxay sheegeen in ay tallaab ka qaadi doonaan duuliyaha nidaamka Nuseyriga u shaqeynayay, dhinaca kale dagaallo culus oo ka dhacay duleedka magaalada Dimishiq ayay xoogaga dowladda islaamiga ah ugu suurtagashay in ay qabsadaan saldhigyo kuyaal agagaarka garoonka melleteriga Al-damiir.

Nidaamka Suuriya oo bilihii lasoo dhaafay qabsanayay magaalooyin iyo deegaano isagoo taageero ka helaya Ruushka ayaa hadda wajahaya dagaal adag oo uga imaanaya xoogaga islaamiga ah.

Related Items