Saraakiil Mareykan Ah oo Ku Dhintay Burbur Diyaaradeed oo Ka Dhacay Bartamaha Wadanka Uganda.

Saturday July 19, 2014 - 15:31:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Mareykan Ah oo Ku Dhintay Burbur Diyaaradeed oo Ka Dhacay Bartamaha Wadanka Uganda.

    Wararka ka imaanaya wadanka Uganda ayaa sheegaya in saraakiil katirsan Melleteriga Mareykanka ay ku dhinteen gudaha wadankaasi xilli ay socdaal ku joogeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Uganda ayaa sheegaya in saraakiil katirsan Melleteriga Mareykanka ay ku dhinteen gudaha wadankaasi xilli ay socdaal ku joogeen.

Saraakiisha booliska Uganda ayaa xaqiijiyay in 9 sarkaal oo Mareykanka ah ay dhinteen kadib markii diyaarad ay lasocdeen kusoo dhacday bartamaha wadankaasi.

Ilo wareedyo laga helay xukuumadda Kampala ayaa xaqiijiyay in saraakiisha Mareykanka ah iyo duuliyihii diyaaradda Meydadkooda laga helay gudaha wadankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda burburtay ay kusii jeeday magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Suudaan oo bilihii lasoo dhaafay ay khalalaaso dhanka ammaanka iyo siyaasadda ah kajireen.


Dowladda Mareykanka ayaa dusha sare ka maamusha howlgalka ashahaadda ladirirka ah oo ciidanka Afrikaanta calooshood ushaqeystayaasha ah ay kawadaan gobollada Soomaaliya ee sharciga Islaamka looga dhaqmo.




Related Items