Sheekh Xasan Yacquub "Xabashida Itoobiya Waa Ku Fashilantay Duullaanka ay Kusoo Qaadday Deegaanno Katirsan Galguduud" Dhageyso.

Thursday April 14, 2016 - 10:59:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Xasan Yacquub "Xabashida Itoobiya Waa Ku Fashilantay Duullaanka ay Kusoo Qaadday Deegaanno Katirsan Galguduud" Dhageyso.

    Mas'uul katirsan xarakada Al Shabaab ayaa ka hadlay duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul katirsan xarakada Al Shabaab ayaa ka hadlay duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka soomaaliya.

Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaliga Galguduud ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Islaamiga Alfurqaan wuxuu uga hadlay duullaanka xabashida Itoobiya ee deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galguduud ee bartamaha dalka soomaaliya.

Si qota dheer ayuu uga hadlay kaalinta ay bulshada soomaalidu ku leedahay halganka lagula jiro soo duulayaasha afrikaanta.

"Annagu waxaan ka dhalanay shacabka soomaaliyeed iyaga aanan wax ku nahay oo aan wiilashoodii nahay, waxaan wada difaacaynaa diinka iyo dalka oo xabashi Itoobiyaan ah kusoo duushay"sidaasi waxaa yiri Sheekh Xasan Yacquub Cali.


Wareysigan uu bixiyay waaliga Galguduud ayuu ku bogaadiyay kaalinta ay bulshadu ku leedahay Jihaadka soomaaliya gaar ahaan qabaa'illada dega bariga Galguduud wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Al Shabaab ay bulshada u adeegto taasina ay xaqiiqowday markii ay kaligood ku noqdeen dagaalka lagula jiro kumanaan ciidamo afrikaan ah oo Itoobiya iyo Kenya ugu horreeyaan.

Sheekh Xasan Yacquub waxuu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay Dhuusa mareeb ay Ceelbuur ku tageen 7 Cisho iyagoo mudadaasi la kulmay weeraro xoogan.

Ciidamo kale oo qabtay Galcad ayuu sheegay inay ugaysteen qasaaro xoogan kuwaasi oo haatan ku sugan tuulo 30 km ujirta Galcad.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in faa’ido ay ugu jirto mar kasta oo shisheeyuhu ka baxaan dhufeesyada.

Dhageyso Qeybta Koowaad Wareysiga Sheekh Xasan.

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan


Related Items