Burma:Bukaannada Muslimiinta Ee Isbitaallada Ku jira Oo Lala Baxo Xubnaha Muhiimka Ah Ee Jirkooda (Warbixin).

Saturday April 16, 2016 - 12:01:43 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Burma:Bukaannada Muslimiinta Ee Isbitaallada Ku jira Oo Lala Baxo Xubnaha Muhiimka Ah Ee Jirkooda (Warbixin).

    Muslimiinta Rohingiya ee ku nool Wadanka loo yaqaano Barma ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh, dhibaatada ugu daran waxay ka heystataa dhanka Caafimaadka, iyadoo duruufta ay ku nool yihiin Muslimiinta dhulkaas ku nool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muslimiinta Rohingiya ee ku nool Wadanka loo yaqaano Barma ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh, dhibaatada ugu daran waxay ka heystataa dhanka Caafimaadka, iyadoo duruufta ay ku nool yihiin Muslimiinta dhulkaas ku nool ay gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Isbitaallada Dowladda ee kuyaalla dalkaas in lagula baxo Xubnaha Muhiimka ah ee Jirka bukaanada Muslimiinta ee Isbitaalladaasi la geeyo.

Nin Shaqaale ah oo ka shaqeeya Isbitaal ay Dowladdu leedahay oo kuyaalla magaalada Mangadu ee Wadanka Barma ayaa sheegay in la bixiyay awaamiir qarsoodi ah oo lagu leynayo Bukaannada Muslimiinta ah, iyadoo la adeegsanayo Irbado Sun ah, waxaana si gaar ah loo beegsanayaa Bukaannada Aqoonyahannada ah iyo kuwa magaca ku leh bulshada dhexdooda, sida uu ku warramay Xisaabka Twitterka ee loo yaqaano "Nabadaat Araakaaniyah”.

Qoraal lagu daabacay bartaas ayaa waxaa lagu yiri : "Isbitaalka Mangadu waxa uu isu badalay Kawaan weyn oo lagu laayo tobonaan ka tirsan Muslimiinta Rohingiya, iyadoo loo isticmaalo Irbado Sun ah, xitaa waa Irbahdaasi lagu duraa Carruurta yar yar ee uu dhallaankoodu cusub yahay, waana tallaab lagu doonayo in lagu dabar jaro tartanka dadka Muslimiinta ah”. Ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.


Maalintii Khamiistii ee todobaadkii hore, haweeney Muslimad ah ayaa ku geeriyootay Isbitaalkaasi, kadib markii ay sii xumaatay xaaladeeda Caafimaad, iyadoo dhaqaatiirtuna ay ka caga jiideen inay la tacaalaan Xaaladeeda, waxay siiyeen dawooyin xanuun baabi’iyeyaal ah, iyadoona ugu dambeyntii ku geeriyootay gudaha Isbitaalka.

Muslimiinta Rohingiya waxay la kulmaan Noocyada kala duwan ee dulmiga sida dilka, barakicinta, Kufsiga, go’doomin xagga dhaqaalaha iyo Waxbarashada ah iyo in si khasab ah loogala wareego guryahooda, waxaana falalkaas oo dhan u geysanaya dadka Buudiyiinta ah ee ku nool Dalka Barma, kuwaas oo gacan ka helaya Maamulayaasha dalkaasi.

Sanadihii lasoo dhaafay Buudiyiintu waxay dileen Kumanaan Muslimiin ah, halka Boqollaal kun oo kalena ay ku khasbeen inay ka cararaan guryahooda, dadka cararay badankood waxay u jiheystaan dhanka Dalka deriska ay deriska yihiin ee Bangaladesh.

Hey’adaha  Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay Muslimiinta Rohingiya inay yihiin Aqaliyadda ugu badan ee dunida ee sida aadka ah loo dhibaateeyo, waxaana Warbixintaas lagu sheegay in tirada Muslimiinta ku nool Dalka Barma inay ka badan tahay Sideed Milyan oo Ruux.

Related Items