Safarkeygi Raaxada iyo silaca Deriskeyga Warbixin

Saturday July 19, 2014 - 17:16:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkeygi Raaxada iyo silaca Deriskeyga Warbixin

    Iyadoo aanuu jirin weerar ama cabsi dhanka amaanka ah ayaan ku safar ku maray dhul masaafadiisu dheer tahay oo ka tirsan deegaanada ay ka taliso Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ha yeeshee Muslimiintu hal jir ayay dhigan yihiine goortaas waxaan niyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo aanuu jirin weerar ama cabsi dhanka amaanka ah ayaan ku safar ku maray dhul masaafadiisu dheer tahay oo ka tirsan deegaanada ay ka taliso Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ha yeeshee Muslimiintu hal jir ayay dhigan yihiine goortaas waxaan niyadda ku hayay in ay jiraan walaalahay dablayda arxanka daran ee shaatiga ciidan qaran loo geliyay dhibaatooyin wejiyo badan u geysanayaan.


Xilli fiid ah ayaan aniga iyo koox saaxiibaday ah anagoo wadana gaari Homy ka soo baxnay degmada saakow ee Gobalka Jubada dhexe iyadoo hadafkeennu yahay in aan soo gaarno degmadaan Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose waxaase xusid mudan in dhulka labada magaaalo u dhexeeyaa yahay mid aad u ballaaran qasabna ay tahay in waqti badan aan socono.

Kalsoonadi lagu qabo nabad gelyadu waa mid aad u heer sarreysa waxaana deegaanada Shareecada islaamka looga taliyo looga diimaa burcad jidgooyo u taal sidaas aawgeed waxaad soco kartaa xilli kasta.


Deegaanadaanu Mujaahidiinta ka hor waxay ka mid ahaayeen kuwa dhiigga Muslimiinta si sharrci darro ah loogu daadiyo waxana adkeyd in qaarkood la isaga socdaalo laakiin hadda taasu meesha ayay ka baxday.

Anagoo ku faraxsan guusha lagu tilaabsaday iyo horumarkaan Nabad gelyada la xariira ayaan dheelmad ku marnay wadada xariirisa Saakow iyo degmada kale ee jilib oo isla Gobalka Jubada dhexe ka tirsan halkaasoo aanu gaarnay saacad hor xilliga salaadda subax.

Barqadii ayaanu cagta soo saarnay wadada laamiga ah inagoo u soo jahayesanay dhanka Baraawe caqabadda keliya ee aan dareemeynayna waxay ahayd in wadada laamiga ah oo aad u bur burtay dhowr iyo labatankii sano ee la soo dhaafay taasoo keeneysa in xawaaraha gaari u socdo la dhimo.

Waxaa da’aya roobkii xagaayga dhirtuna waa doog wadada xareeraheeduna waa dhir keyn ah oo ay adag tahay in aad dhex marto ilaa aad ka soo gaareysid deegaanka Xaranka oo u dhaw hallka Jubada dhexe iyo Shabeelaha hoose iska saaran yihiin.

Xaranka waa mid ka mid ah goobihii ay bulshada ku dhici jireen malaayiin lacaga ah oo baad ahna gaadiidleyda uga qaad jreen dablay hubeysan muddo labaatan sano ku dhaw shaqadaas dhiig miiradka ahna waxay soo geba gebowday lix sano ka hor waqtigaasoo ku beegneyd markii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin si rasmi ah Maamulada u hirgelisay.

Habeenkii dambe ayaan u soo hoyanay baraawe intii aanu jidka ku soo jirnayna inkastoo aan soo marnay meelo ay yaalaan koontaroolo oo rag xisbiyada Mujaahidiinta ka tirsanu joogaan hadana ma jirin wax haba yaraatee aan dhibsanahay oo aan la kulannay balse waxaanu ku faraxsaneyn hab dhaqankooda iyo sida ay u kala fog yihiin iyaga iyo kuwa Maamulada cadawga ku xiran ficilada xanuunka badanna kula kacaya dadka shacabka ah.

Askarrta Dowladda federaalka ah iyo maamulada kale ee gaaladu dhisatay kana jira Gobalada Koofurta Soomaaliya qaarkood ayaa ku caan baxay daadinta dhiigga Musaafurka iyo in wixii ay wataan ay ka dhacaan laakiin ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa arintaas lidkeeda waxaa lagu yaqaan in lagala kulmo wejji wanaagsan oo ku bilaamanaya Salaanta Islaamka.


Waxay sida cawo iyo maalin oo kale u kala duwan yihiin kuwa astaantaamaha ama sumamadaha lagu yaqaan noqdeen kufsiga hablaha iyo daadinta dhiigga dadka marrasta u badan ee socdaalka ah.

Iminka arimahaas waxay ka dhacaan wadada isku xirta marka iyo Muqdisho iyo tan isku xirta leego iyo muqdisho iyo wadada jowhar iyo muqdisho isku xirta iyo kuwa kale oo badan.

Labada ciidan ayaa midkasta ka turjumayaa sifaha io wejjiga dhabta ah ee ay eedahay cidda uu metello.
Warkaani ma ahan mid aan qolo ku weerarayo mid kalena ku ammaanayo ee laakiin xaqiiqada ayaa tabtaas ah.


Reer miyiga ayaa laga yaabaa in ay ka baqaan in duunyadooda qaar dugaagu ka cuno laakiin dhulkaan shareeecada Isaamka lagu Maamulayo kama jirto cabsi kale marka tan Allaah laga soo tago.

W/Q Cabdulaahi Yaasiin Jaamac {Cabdullaahi Soomaali)

Qoraaga Warbixinta Kala Xariir [email protected]


Related Items