Ethiopia "Dhib badan ayaa nagu heysta Soomaaliya".

Friday April 29, 2016 - 10:22:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia "Dhib badan ayaa nagu heysta Soomaaliya".

    Dawladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay sheegtay iney aad uga xun tahay waxa ay ugu yeertay "marnaanta siyaasadeed" ee ka jirta deegaanada ay ka qabsadeen Xarakada Al-Shabaab iyagoona ku eedeeyay DF-ka ineysan buuxin Karin howsha loo baa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay sheegtay iney aad uga xun tahay waxa ay ugu yeertay "marnaanta siyaasadeed" ee ka jirta deegaanada ay ka qabsadeen Xarakada Al-Shabaab iyagoona ku eedeeyay DF-ka ineysan buuxin Karin howsha loo baahan yahay.



Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Tuwelda Moligiita oo la hadlay wakaaladda wararka Turkiga ee Anaadool ayaa sheegay taxaddiyada ugu weyn ee ciidankooda ku heysta Soomaaliya iney ka mid tahay wax barnaamij siyaasadeed ah in uusan jirin oo loo hayyo dhulka ay ka qabsadaan Al-Shabaab.

Moligiita ayaa qiray in dhib badan ay ciidamadoodu ku wajahayaan gudaha Somaaliya, oo ay ugu weyn tahay saadka iyo maareynta deegaanada ay duulaanka ku qabsadaan.



Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiyaanka ah ayaa dhanka kale walwal ka muujiyay dhaqaalaha laga jaray Ciidamada Shisheeyaha Afrikaanka, waxaana uu arrintaas ku tilmaamay mid maja-xaabineysa waxa uu ugu yeeray guulihii ay soo hooyeen.

"Arrinta ah in la dhimayo dhaqaalaha waa ceego (dhuun qabasho), waa walwal weyn, waxey ka dhigan tahay. Horumarkii aan xaqiijinnay oo meesha ka baxay” ayuu yiri Tuwelda Moligiita.

Dawladda Itoobiya ayaa ciidankeeda ugu badan waxey ka dagaalamayyaan gobollada Dhexe, Gedo iyo Baay iyo Bakool, waxaana la rumeysan yahay in dalka ay ku soo xaaqeen kumanaan ciidamo ah oo aan u diiwan galsaneyn waxa loogu yeero "Howlgalka AMISOM”.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items