29 Qof oo Ku Dhaawacmay Masjidka Ku Dumay Deegaanka Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho.

Saturday April 30, 2016 - 10:45:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    29 Qof oo Ku Dhaawacmay Masjidka Ku Dumay Deegaanka Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

Ugu yaraan 29 qof oo dhammaantood ka shaqeynayay dhismaha masjid qabya ah ayaa ku dhaawacmay shilkan naxdinta leh, goob joogayaal ayaa sheegay in masjidka oo dhowr dabaq ah uu soo dumay.

Dhaawacyada shaqaalaha masjidka ayaa la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, goob joogayaal ku sugan deegaanka Garasbaaleey ayaa sheegay in Burburka hoostiisa lagasoo helay meydad iyo dhaawacyo hor leh.

Musiibadan ka dhacday Masjidka dhismuhu ka socday ee deegaanka Garasbaaleey ayaa ah middii ugu horraysay ee lagasoo calaamadeeyo deegaankaasi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items