16 Askar Yahuud Ah oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Qaza.

Sunday July 20, 2014 - 11:30:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    16 Askar Yahuud Ah oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Qaza.

    Xoogaga wax iska caabinta filasdiiniyiinta ayaa ku guuleystay in ciidanka gaalada Yahuudda sahyuuniyadda ah ay ka caabiyaan weerar dhanka lugta ah oo cadawgu ku qaaday magaalada qaza ee hareeraysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga wax iska caabinta filasdiiniyiinta ayaa ku guuleystay in ciidanka gaalada Yahuudda sahyuuniyadda ah ay ka caabiyaan weerar dhanka lugta ah oo cadawgu ku qaaday magaalada qaza ee hareeraysan.



wararka ka imaanaya qaza ayaa sheegaya in 16 askari oo katirsan ciidanka yahuudda lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaanka khaan Yuunis.

Katiibada cizudiin qasaam oo ah garabkamelleteri ee ururka xamas ayaa sheegtay in ciidankoodu ay burburiyeen 2 kamid ah dabaabaadka dagaalka yahuudda kadib markii dagaalyahanadoodu ay u xaluusheen goob ay ciidanka Yahuuddu ku sugnaayeen.

"Mujaahidiintu waxay dileen 14 askari Yahuud ah oo ay saraakiil kamid yihiin weerar halyaynimo oo ka dhacay deegaanka Khaan Yuunis,marnaba iskuma dhiibi doono Yahuudda ixtilaalka ku heysata dhulka filasdiin”ayuu yiri mas’uul u hadlay qasaam.



Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Yahuuda ay dib ugu rasho ka sameeyeen duleedka magaalada qaza taasi oo ka dhigan in cadawgu ka baqayo waxiska caabinta ah ee uga imaanaysa dhanka xoogaga filasdiiniyiinta.

Maamulka Yahuudda ayaa shalay oo sabti aheyd qiray in 2 askari laga dilay balse weerar xalay dhacay ayaa 14 askari looga dilay waana khasaarihii ugu xooganaa ee israa’iil gaara tan iyo wixii ka dambeeyay bilaabashada intifaadii dhacday sanaddii 2000.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items