Weerar Askar looga Dilay Maamulka Puntland oo Galgala Ka Dhacay iyo Al Shabaab Mas'uuliyadda Sheegatay.

Friday May 06, 2016 - 20:15:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar looga Dilay Maamulka Puntland oo Galgala Ka Dhacay iyo Al Shabaab Mas'uuliyadda Sheegatay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka Puntland isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka Puntland isku magacaabay.

Maanta barqadii ayaa ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland qarax miino lagula eegtay deegaanka Galgala ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

War rasmi ah oo kasoo baxay shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay laba askari oo xilligaasi ku lugaynayay gudaha Galgala sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ay ciidamada maamulka Puntland ay baaritaano ka sameeyeen gudaha deegaanka Galgala balse lamasoo sheegin dad ay qabqabteen.


Ma ahan markii markii ugu horraysay oo weerar khasaara dhaliya lagu qaado ciidamada maamulka Puntland xarakada Al Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weeraro uga fulisay magaalooyinka uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items