Ciidamada booliska Kenya ayaa sare uqaaday tacadiyada ay ugeysanayaan shacabka soomaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee xarunta wadankaasi.
Wararka ka imaanaya Nairobi ayaa sheegaya in Meydadka sedax ruux soomaali ah oo
jirdil loo dilay lagasoo helay bartamaha magaalada Nairobi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in sedaxda ruux ee Meydadkooda laga helay Nairobi
ay ahaayeen ganacsato dukaamo ku leh xaafadda Islii ee Soomaalidu ku
badantahay.
Mid kamida ganacsatada ayaa sheegay in ganacsade Maxamuud Cabdi Maxamuud oo
kamid ahaa ganacsatada Islii uu kamid ahaa dadka ay dileen ciidamada booliska
Kenya.
"Sedax kamid ah ganacsatada xaafadda Islii ayay ciidanka booliska Kenya dileen
kadibna Meydadkooda ayaa lasoo dhigeen waddooyinka Nairobi”ayuu yiri mid kamida
ganacsatada Islii.
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo lagasoo
doorto xaafadda Islii ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dhalinyarada ay dileen
booliska Kenya kadibna ay dhaceen lacagtii utiillay Bankiyada Kenya.
Mahad Yare
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Meydadka Sedax Ruux Soomaali Ah oo Laga Helay Magaalada Nairobi.
Ciidamada booliska Kenya ayaa sare uqaaday tacadiyada ay ugeysanayaan shacabka soomaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee xarunta wadankaasi.