Daawo:Jabhadda Al-Nusrah Oo sheegtay In 150 Dagaalyahano Shiico Ah Ay Ku Dishay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Xalab.

Sunday May 15, 2016 - 19:27:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Jabhadda Al-Nusrah Oo sheegtay In 150 Dagaalyahano Shiico Ah Ay Ku Dishay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Xalab.

    Jamaacada islaamiga ah ee Jabhatu Nusrah ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khsaaarihii culsaa ee Maleeshiyaadka Shiicada ah dhowaan kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degmada Khaan Dhuumaan ee Koonfurta Gobolka Xalab ee Waqooyiga Dalka Su

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaacada islaamiga ah ee Jabhatu Nusrah ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khsaaarihii culsaa ee Maleeshiyaadka Shiicada ah dhowaan kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degmada Khaan Dhuumaan ee Koonfurta Gobolka Xalab ee Waqooyiga Dalka Suuriya.

Jabhatu Nusrah waxay sheegtay in xoogagga Isbaheysiga Jeyshul Fatxi oo iskaashanaya inay dagaalkaas ku dileen 150 dagaalyahan oo Shiico ah oo kasoo kala jeeda Wadamada Iiraan, Lubnaan ,Ciraaq, iyo Afghanistan.


Sarkaal ka tirsan Jabhadda oo Wareysi siiyay Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al-Jazeera ayaa sheegay in weerarka uu ku billowday Camaliyad Istish-haadi ah oo lagu qaaday dhisme talis u ahaa Maleeshiyaadka Shiicada ah ee ku sugnaa degmada Khan-Dhuumaan, iyadoona Camaliyadda Istish-haadiga ay gebi ahaanba bur burisay dhismaha, waxaana halkaas ku dhintay dhammaan Saraakiishii Iiraaniyiinta ahaa ee goobta ku sugnaa.



Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cadhiyatullaah waxa uu tilmaamay in degmada Khan Dhuumaan ee ku taalla baadiyaha Koonfureed ee Gobolka Xalab inay leedahay ahmiyad gaar ah oo istaraatiijiyeed, iyadoona ku taalla Waddada u dhaxeysa magaalooyinka Xalab iyo Dimishiq, sidaad darteed ayaa Maleeshiyaadka Shiicada ah markii laga qabsaday magaalada waxay soo qaadeen dhowr weerar oo rogaal celis ah, si ay isugu dayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada, hase yeeshee waxay iska caabin adag kala kulmeen Xoogagga Isbaheysiga ee Jeyshul Fatxi.


Khasaaraha Dowladda Shiicada ee Iiraan kasoo gaaray dagaalkii Khan Dhuumaan ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xumaa ee soo gaara tan iyo intii Ciidamadeedu ay fara geliyeen Dalka Suuriya, waxaa sidoo kale dagaalkaasi lagu sifeeyay inuu ahaa khasaarihii ugu xumaa ee Iiraan kasoo gaara meel dibadda ka dalkaasi tan iyo sanadihii Sideetameeyadii xilligaas oo uu dhacay dagaalkii dhexmaray Ciraaq iyo Iiraan.


Dhinaca kalena Xukuumadda Tahran waxay sheegtay in Wadamada Ciraaq iyo Suuriya ay u direyso inkabadan Boqol Saraakiil ah oo ka tirsan Ciidamada Meliteriga ee dalkaasi, kuwaas oo ay ku sheegtay in xagga Meliteriga ay kala talin doonaan Xukuumadaha Baqdaad iyo Dimishiq.

Dowladda Shiicada ee Iiraan ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay dhiig bax aad u daran kala kulantay dagaallada ka soconaya Wadamada Ciraaq iyo Suuriya, iyadoona halkaas ku weysay Jeneraallo iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Ciidamada Meliteriga ee dalkaasi.

Hoos Ka Daawo Warbixin Telefeshinka Al-Jazeera diyaariyay.



Related Items