Daawo:Diyaaradda Masar Masoo dhacday Mise waa lasoo Riday?

Friday May 20, 2016 - 11:12:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Daawo:Diyaaradda Masar Masoo dhacday Mise waa lasoo Riday?

    Baadi goob ballaaran ayaa loogu jiraa sidii loosoo heli lahaa diyaarad rakaab ah oo xiriirkeedi lumay xilli ay ku hawada kujirtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baadi goob ballaaran ayaa loogu jiraa sidii loosoo heli lahaa diyaarad rakaab ah oo xiriirkeedi lumay xilli ay ku hawada kujirtay.

Tobaneeyo maraakiibta dagaalka ah iyo gujisyo laga leeyahay wadamada reergalbeedka iyo Masar ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii ay usoo heli lahaayeen burburka diyaaraddii rakaabka Masar.

dowladaha Gariigga,ingiriiska,Faransiiska iyo Masar waxay xaqiijiyeen in maraakiibtooda dagaalka ay baaritaano xooggan ka wadaan gunta badda Mediterranean-ka.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in la helay qalfoofka diyaaraddii shalay burburtay balse warkaasi waxaa beenisay xukuumadda gariigga,


Wasiirka duuliska hawada Masar ayaa warbaahinta u sheegay in soo dhicidda diyaaradda ay dhici karto in ay ka dhalatay weerar hubaysan wuxuuna meesha ka saaray in ay jirto cilad sababi karta in diyaaraddu soo dhacdo.

Wasiirka arrimaha dibada Mareykanka ayaa isna sheegay in ay jirto suurtagalnimada in diyaaradda laqarxiyay balse dowlada Faransiiska wali kama hadlin in diyaaradda Masar ay weerar argagaxiso la kulantay kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Paris.

Barnaamijka Dabagalka Warka ee kabaxa Telefeshinka AlJazeera ayaa lagu falanqeeyay qodob ah diyaaradda Masar malasoo riday mise waa soo dhacday?

Hoos ka daawo Barnaamijka.


Related Items