Askar iyo Saraakiil Katirsan DF-ka looga Dilay Magaalada Muqdisho.

Monday July 21, 2014 - 08:20:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar iyo Saraakiil Katirsan DF-ka looga Dilay Magaalada Muqdisho.

    Xoogag hubeysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ku dilay askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka xilli ammaanka caasimadda ah uu faraha ka baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ku dilay askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka xilli ammaanka caasimadda ah uu faraha ka baxay.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay degmada Hodon ku toogteen askari katirsan booliska kadibna ay qaateen qori AK47 oo uu watay.

Sidoo kale toogasho kale ayaa ka dhacday degmada Yaaqshiid waxaana lagu dilay mid kamida ciidamada melleteriga,weerar kale oo isna shalay ka dhacay Muqdisho waxaa lagu dilay mid kamida howlwadeenada maamulka gobolka Banaadir.

Weeraradan ayaa qeyb ka ah howlgallo ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin Muqdisho uga dhawaaqday inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected],com


Related Items