Dagaallo Xalay Lagu Miray Shisheeyaha Ku Sugan Magaalooyinka Buula Barde iyo Baydhabo.

Monday July 21, 2014 - 08:35:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Xalay Lagu Miray Shisheeyaha Ku Sugan Magaalooyinka Buula Barde iyo Baydhabo.

    Ciidamada mujaahidiinta wilaayaadka islaamiga Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro qorshaysan ku qaaday degmooyin ay xoog ku joogaan ciidamada gumeysiga Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta wilaayaadka islaamiga Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro qorshaysan ku qaaday degmooyin ay xoog ku joogaan ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Wararka ka imaanaya degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaallo saacado qaatay ay gudaha degmadaasi ku dhaxmareen ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Jabuuti.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiintu ay weeraro qorshaysan ku qaadeen saldhigga ciidanka Jabuuti kadibna waxaa magaalada ku faafay dagaallo saacado badan qaatay.

Sheekh Max’med Mire oo ah waalliga Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankoodu ay guulo kasoo hooyeen dagaalka ay lagaleen cadawga.


Dhinaca kale dagaallo culus ayaa xalay fiidkii ka dhacay xaafado katirsan magaalada Baydhabo oo ay ku suganyihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Dagaallada ayaa bilaawday saqdii dhaxe ee xalay goob joogayaal ayaa sheegay in dagaallada ugu culus ay ka dhaceen xaafadda Suuqa Xoolaha iyo agagaarka Hoteelka Bakiin oo ay saldhigyo ku leeyihiin Xabashida.

Mahad Yare
SomaliMeMo
Muqdisho
[email protected]



Related Items