Qarax Gaari Dagaal looga Gubay Maamulka Puntland oo Ka Dhacay Deegaanka Galgala Ee Duleedka Boosaaso.

Wednesday May 25, 2016 - 16:28:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari Dagaal looga Gubay Maamulka Puntland oo Ka Dhacay Deegaanka Galgala Ee Duleedka Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay markale lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka Puntland isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay markale lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka Puntland isku magacaabay.

Qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Galgala ayaa dhaliyay khasaara lixaad leh oo soo gaaray ciidanka daraawiishta Puntland.

Ilo wareeydo ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo Daraawiishta katirsan waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidankii gaariga la socday.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qarax ku burburiyeen gaari dagaal islamarkaana ay dileen ugu yaraan 5 Askari.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in laba gaari oo wada socday mid kamida uu qaraxu haleelay, goobta qaraxu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo badan oo maamulka Puntland katirsan iyagoona daad gureeyay dhimashadii iyo dhaawacii ka dhalatay qaraxa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items