Weerar Khasaara Dhaliyay oo Ka Dhacay Mombaasa iyo Warqado Digniina ah oo la daadiyay.

Monday July 21, 2014 - 11:23:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay oo Ka Dhacay Mombaasa iyo Warqado Digniina ah oo la daadiyay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara badan dhaliyay lagu qaaday magaalada 2-aad ee ugu weyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara badan dhaliyay lagu qaaday magaalada 2-aad ee ugu weyn wadankaasi.

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii xaafadda Likooni ee bartamaha Mombaasa ku toogtay afar qof oo Nasaaro Kenyaati ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag watay mooto dhugdhugley ah ay toogashada geysteen kadibna ay si nabad gelyo ah uga baxsadeen goobta.

Saraakiisha booliska Kenya waxay xaqiijiyeen in 4 qof ladilay 5 kalane dhaawacyo halis ah gaareen,wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga weerarka geystay ay warqado digniin ah ku daadiyeen bartamaha magaalada.


Warqadaha waxaa ku qornaa in weerarkan uu aargoos uyahay xasuuqa ay ciidamada Kenya ku hayaan muslimiinta dhulka xeebaha.

Sidoo kale xoogaga ayaa weeraray wadada 2-aad ee ugu weyn ee magaalada Mombaas,taliyaha guud ee booliska Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkan wuxuuna durbadiiba ku eedeeyay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jexoow

SomaliMeMo

Muqdisho
[email protected]


Related Items