Abuu Muscab:Khasaara Xooggan ayaan Ugeysanay Maleeshiyaadka Maamulka Asha-haadda ladirirka Puntland Dhageyso.

Wednesday June 01, 2016 - 06:10:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Abuu Muscab:Khasaara Xooggan ayaan Ugeysanay Maleeshiyaadka Maamulka Asha-haadda ladirirka Puntland Dhageyso.

    Taliska Ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixiyay qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso.



Afhayeenka ciidanka Mujaahidiinta, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa wareysi uusiiyey Idaacada Islaamiga Andalus kaga warbixiyey dagaaladii xooganaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhexeeyey ciidamada Mujaahidiinta iyo Ciidanka DF-ka.

Sheekha ayaa faafaahin ka bixiyey khasaaraha maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ka soo gaaray dagaaladaas iyo goobaha sida gaarka ah ay u beegsadeen Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.



Wuxuu sheegay in ku dhawaad 10 maleeshiyaad ah oo uu ku jiro Sarkaal sare in lagu dilay dagaaladaas, islamarkaana ay ahaayeen dagaallo aad u culus oo waayadan uusan horay u arag cadowga.

Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale ka warbixiyey qaraxyo mataana ahaa oo barqanimadii maanta maleeshiyaad ka tirsan maamulka Ashahaada la dirirka ee Puntland lagula eegtay deegaanka Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay in qaraxyadaas lagu dilay ugu yaraan 17 askari, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale, isagoona sheegay in cadowga halkaas looga burburiyey hal gaari, kuwo kalena ay waxyeelo soo gaartay.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Abuu Muscab.

Xigasho Telegramka Radio Andalus.


Related Items