Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari ciidan lagu gubay wadada laamiga ah.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay lakacday gaari nuuca
Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen ciidanka Jawaasiista ee PS-ta loo yaqaan.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ka
dhashay qaraxa,ciidamo farabadan oo katirsan booliska DF-ka ay goobta soo
gaareen iyagoona hareeraha wadada Warshadaha baaritaanno ka wada.
dhinaca kale qarax caawa fiidkii ka dhacay isgoyska Cali Kamiin waxaa lagu dilay Xuseen Doolli oo ahaa guddoomiyaha laanta Shanaad ee degmada Wardhiigleey.
Weeraradan qaraxyada iyo kuwa tooska ah ee Muqdisho ka socda waxay kusoo aadayaan xilli shabaabul Mujaahidiin ay ku hanjabtay in ay kordhinayso howlgallada inta lagu gudajiro bisha Ramadaan iyadaana ka dhabaysay.
Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Gaari Ciidan oo Lagu Gubay Wadada Warshadaha iyo Guddoomiye Waaxeed Lagu Dilay Wardhiigleey.
Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari ciidan lagu gubay wadada laamiga ah.