Maqal+Sawirro:Al-shabaab Oo in ka badan Kun Qof Gurmad Lixaad leh Ku siiyay Baraawe.

Monday July 21, 2014 - 20:25:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqal+Sawirro:Al-shabaab Oo in ka badan Kun Qof Gurmad Lixaad leh Ku siiyay Baraawe.

    230 qoys oo matalayay dad tiro ahaan gaaraya 1150 ruux ayaa raashin ka kooban bariis, bur,Sonkor saddaxla saliid ah iyo Gasac Caano booro ah ku qaatay degmada Baraawe ee shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

230 qoys oo matalayay dad tiro ahaan gaaraya 1150 ruux ayaa raashin ka kooban bariis, bur,Sonkor saddaxla saliid ah iyo Gasac Caano booro ah ku qaatay degmada Baraawe ee shabeelaha Hoose.

Abaabul wacan iyo kala danbeyn xasilooni ku dheehantay ayay dadku ku qaataan kaalmada lexaadka leh oo ay ka heleen jimciyada kheyriga ah ee ixsaan.

Mas’uuliyiinta Jimciyada ayaa xalay udhafray inay kuwareegeen xaafadaha Baraawe iyagoo kaashanaya dadka guri guri ukala garanaya xaafadaha si loo ogaado qoysaska liita.

waqti danbe xalay ayaa qoysaska iyagoo aanan ka warheyn waxaa loo garaacay guryahooda, waxaana gacanta loo galiyay kaar ay maanta ku tageen isbitaalka Baraawe halkaasi oo ay ku qaateen raashin kala duwan.



Dad waayeelo ah oo qaar kamid ah da’da 60 sano ay kor udhaafeen islamarkaana cagaha la galay da’da sideetan sano ayaa ii muuqday kuwaasi oo aan ka dareemay farxad aan soo koobi karin.

"Waligey ma arag raashin sidaan loo bixiyo oo nabad lagu kala dareero” ayuu Alfurqaan ku yiri mid kamid ah dadka raashinka loo qeybiyay.

Gaari gacano iyo gaari dameero ayay aakhirkii masaakiinta ku qaateen raashinka ay ka heleen jimciyada ixsaan.

Hadabada kaamirada iyo mekarafoonka alfurqaan ayaa lagu soo qaaday codadka Dadka danta yar ee afurinta loo sameeyay,waxaana hoos ka dhageysan kartaa warbixin codad wadata oo mashruuca aynu ka diyaarinay.

Halkan Guji oo Dhageyso Warbixinta.MP3

HOOS KA DAAWO SAWIRADA AYNU QAADNAY.

1234567891012 13141516171819202122242526
Isha Sawirada:Idaacadda Alfurqaan

Related Items