Xoogaga Al-Nusrah oo Duullaan Ballaaran ku Qaaday Magaalooyin Katirsan Gobolka Xalab Ee Waqooyiga Suuriya.

Wednesday June 15, 2016 - 14:58:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Al-Nusrah oo Duullaan Ballaaran ku Qaaday Magaalooyin Katirsan Gobolka Xalab Ee Waqooyiga Suuriya.

    Weerar ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan Boqollaal Ciidamo ah ayay xoogagga Mujaahidiinta ee Jabhatu Nusrah waxay ku qaadeen magaalada istaraatiijiga ah ee lagu magacaabo Khalsah ee hoostagta baadiyaha Koonfureed ee Gobolka Xalab ee Waqooyiga Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan Boqollaal Ciidamo ah ayay xoogagga Mujaahidiinta ee Jabhatu Nusrah waxay ku qaadeen magaalada istaraatiijiga ah ee lagu magacaabo Khalsah ee hoostagta baadiyaha Koonfureed ee Gobolka Xalab ee Waqooyiga Dalka Suuriya.

Duullaankan oo billowday fiidnimadii xalay ayaa Mujaahidiintu waxay ku weerareen Maleeshiyaadka rawaafidda ah ee saldhigyada ku leh duleedka magaaladaasi, iyadoona uu qarxay iska hor imaad culus oo soconayay illaa waabarigii hore ee Saaka.

Ilo wareedyo ku dhow Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Mujaahidiintu ay guulo kasoo hooyeen dagaalkaasi, islamarkaana ay qabsadeen Mandiqadda lagu magacaabo Zeytaan ee ku dhow magaalada Khalsa, waxaana dagaalka ka qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee Nidaamka Nuseyriga iyo kuwa Ruushka, kuwaas oo taageero u fidinaya Maleeshiyaadka Shiicada ah ee halkaasi ku sugan.



Bilihii lasoo dhaafay xoogagga Mujaahidiinta ee ka dagallama Dalka Suuriya waxay qabsadeen magaalooyin iyo deegaanno badan oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Xalab, waxaana goobaha ay la wareegeen ka mid ah magaalada Al-Ciis iyo degmada lagu magacaabo Khan Dhuumaan, halkaas oo ay ku dileen Askartii iyo Saraakiishii ugu badneyd ee Dowladda Iiraan looga dilo dagaalka ka soconaya Dalka Suuriya.

Dhinaca kalena inkabadan 40 ruux oo rayid ah ayaa waxay ku dhinteen duqeymo culus oo diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Nuseyriga ay ka geyteen Xaafaadaha iyo deegaannada hoos taga magaalooyinka Xalab iyo Idlib ee Waqooyiga dalkaasi.

Boqollaal ruux oo Muslimiin ah ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ku nafwaayay duqeymaha wuxuushnimada ah ee lagu hayo magaalooyinkaasi, iyadoona kumanaan kalena ay ka barakaceen guryahooda, kuwaas oo hadda qaxooti ku ah Xadka u dhaxeeya Waddamada Turkiga iyo Suuriya.

Related Items