Fadeexad Wafdiga Dhakhaatiirta Imaaraatka Ee Gaza oo Jawaasiis noqday!

Tuesday July 22, 2014 - 16:51:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 41
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad Wafdiga Dhakhaatiirta Imaaraatka Ee Gaza oo Jawaasiis noqday!

    Fadeexad weyn ayaa ku habsatay dowladda Imaaraatka Carabta, kadib markii laga war helay inay Jawaasiis yihiin koox Dhakhaatiir ah oo ay u dirtay Jiidda Qaza.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad weyn ayaa ku habsatay dowladda Imaaraatka Carabta, kadib markii laga war helay inay Jawaasiis yihiin koox Dhakhaatiir ah oo ay u dirtay Jiidda Qaza.


Jihaazka Amniga ee Mujaahidiinta Filastiiniyiinta ayaa kashifay inay fashiliyeen Shabakad Sirdoon ah oo ay soo agaasimeen Dowladaha Masar iyo Imaaraatka Carabta, kuwaas oo maalintii shalay Qaza soo gaaray, iyagoo isku ekeysiinaya yihiin Dhakhaatiir ka tirsan Hey’adda Bisha Cas ee isu tagga Imaaraatka Carabta.

Kooxda Jawaasiista ah ee gacanta lagu dhigay ayaa waxay isku dayeen inay ogaadaan goobaha ay Sawaariikhda ka tuuraan xoogagga Filastiiniyiinta iyo saldhigyada hubka lagu keydiyo, si ay u beegsato Yuhuudda, waxaana baaritaan kadib la ogaaday in Saraakiisha la qabtay ay ka tirsanyihiin Sirdoonka Dowladda Imaaraatka.



illaa iyo hadda lama oga sida laga yeeli doono kooxdan Jawaasiista ah ee la qabtay, mana jiro illaa iyo hadda wax rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Imaaraatka oo arrintan uga hadleyso.

Xilli gumaad ba’an lagu hayo Shacabka Filastiiniyiinta ee Gaza ku nool ayaa Dowladaha Masar iyo Imaaraatka Carabta waxay ka shaqeynayaan sidii ay usii dhibaateyn lahaayeen Shacabkaas la gumaadayo, iyadoo dowladda Masar ay is hor taagtay in wax gar gaar bini;aadaanimo ah la gaarsiiyo Shacabka gacmaha maran ee har iyo habeen ay ku socoto duqeyn isugu jirta Cir, dhul iyo badba.


Aaway Hooyadey ayuu ku qeylinayaa, ma oga in hooyadiisa ay adduunyada ka saxuuratay, Aakhirana ka afurtay! Allow u gar gaar!

 


Related Items