Warar Dheeraad ah:Dagaallo Culus oo ka dhacay Magaalooyinka Baydhabo,Qoryooley iyo Buula Barde.

Tuesday July 22, 2014 - 17:27:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Warar Dheeraad ah:Dagaallo Culus oo ka dhacay Magaalooyinka Baydhabo,Qoryooley iyo Buula Barde.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa xalay saqdii dhexe weeraro culus ku qaaday saldhigyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa DF-ka ku leeyihiin magaalada Baydhabo.

Dagaalka oo ahaa mid saacado badan qaatay waxaa ka qeyb qaadanayay gaadiidka dagaalka shabaabul Mujaahidiin,goobaha laweeraray waxaa kamid ahaa saldhigga booliska Baydhabo,guriga Aadan Madoobe,ADC-da iyo Baar Bakiin.

Ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidanka Itoobiya ayaa dagaalkii xalay lagu dilay halka 3 katirsan maleeshiyaadka Soomaalida amxaara kalkaallada ah ay iyana dhinteen.


Dagaal kale wuxuu xalay fiidkii ka dhacay gudaha degmada Buula Barde oo saldhigyo ay ku leeyihiin Maleeshiyaadka Jabuuti ee dabadhililifyada ah,sidoo kale dagaal muddo ku dhaw hal saac socday ayaa xalay ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelaha Hoose.

Related Items