isagoo wareysi gaar ah siinayay idaacaddae Andulus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayuu Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaliga wilaayada Galguduud sheegay in dagaalkii Ceel-hareeri ay dhankooda guushu ku raacday.
Sheekh Xasan Yacquub waxa uu sheegay in ay weerareen ciidamo Soomaali ah oo dhibaato ka waday deegaanka Ceel-hareeri oo dhaca Dulleedka Galcad.
Sheekh Xasan ayaa sheegay in Laba dagaal oo dhacay ay ku dileen 7 askari islamarkaana ay ku qabsadeen gaari Cabdi bile ah oo uu saaranyahay Qori dhashiike ah.
Waxa uu sheegay firxadka ciidamada Soomaalida ah ay gaareen Degmada Galcad ee Galguduud.
Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay Ciidamada Soomaalida ah ee qaska ka wada hareeraha Galcad lagasoo abaabulay Muqdisho kuwaasi oo loo aas aasay in carro tuur unoqdaan Ciidamada Itoobiya islamarkaana lagu waxyeeleeyo shacabka soomaaliyeed.
Mas'uulkan ayaa rajeeyay in shacabka muslimiinta ah ay nasan doonaan dhibkii ay maleeshiyaadka ku qabeen isagoona dadka deegaanka kula dardaarmay in ay sii wadaan isgarab taaga dagaalka ka dhanka ah Xabashida Itoobiya.
"Danta laga leeyahay waa in shareecada lagula diriro oo lagu dumiyo amniga ay haystaan shacabka”ayuu raaciyay hadalkiisa Sheekh Xasan Yacquub.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Sheekh Xasan Yacuub MP3
Sh. Xasan Yacquub "Khasaara Lixaad leh ayaa Maleeshiyaadkii Carra tuurka u ahaa Xabashida Kasoo Gaaray Dagaalkii Ceel-Hareeri" Dhageyso.
Wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa war rasmi ah kasoo saartay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka shalay ka dhacay duleedka degmada Galcad gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.