Faah Faahin:Dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo Al Shabaab oo sheegatay.

Wednesday July 23, 2014 - 14:58:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.1/5 Stars) Total Votes: 52
  • 17 18
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo Al Shabaab oo sheegatay.

    Xoogag hubeysan oo katirsan shabaabul Mujaahidiin ayaa magaalada Muqdisho ku khaarijiyay xildhibaanad Saado Cali Warsame oo xubin ka aheyd baarlamaanka Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan oo katirsan shabaabul Mujaahidiin ayaa magaalada Muqdisho ku khaarijiyay xildhibaanad Saado Cali Warsame oo xubin ka aheyd baarlamaanka Dowladda Federaalka.
Goob Joogayaal ayaa xaqiijiyay in Saado Cali Warsame lala dilay hal qof oo  ahaa darawalkii gaariga u kaxaynayay waxaana lagu sheegay Soomaali Mareykan.

Weerarkan dilka ah oo si heer sare ah ay usoo qorsheeyeen raggii fuliyay wuxuu ka dhacay agagaarka Hoteelka Ambaasadoor ee wadada Makka Al-mukarama waana goob amaankeeda si adag loo ilaaliyo.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay gaari nuuca raaxada ah ku hor gooyeen gaariga ay wadatay xildhibaanadda ladilay iyagoona markii dambe si nabad gelyo ah goobta uga dhaqaaqay mana jirin cid dabagal ku sameysay.


Sarkaal u hadlay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankooda gaarka ah ay magaalada Muqdisho ku khaarijiyeen Xildhibaanad Saad Cali Warsame.

Xildhibaanadan ladilay ayaa sanad ka hor kusoo biirtay baarlamaanka fadhigiisu yahay Muqdisho iyadoona muddo sanada ah ku maqneyd dalka dibaddiisa.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo
Muqdisho


Related Items