Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool iyo Al Shabaab oo dib ula Wareegtay.

Monday July 25, 2016 - 07:54:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool iyo Al Shabaab oo dib ula Wareegtay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay isaga baxeen deegaanka Istiraatiijiga ah ee Garasweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay isaga baxeen deegaanka Istiraatiijiga ah ee Garasweyne.

Wariye Ibraahim Isxaaq oo ku sugan gobolka Bakool ayaa  SomaliMeMo  khadka taleefanka ugu sheegay in kumanaan katirsan ciidanka Itoobiya ay saaka aroortii hore isaga baxeen deegaanka.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba la wareegay Garasweyne iyo tuulooyinka hoos yimaad.

Maleeshiyaad taabacsanaa maamulka Shariif Sakiin ayaa shalay ka cararay deegaanka kadib markii ay dareemeen dhaq dhaqaaqa dib ugurashada ah oo  ay sameynayeen ciidanka Itoobiya.


Saraakiil katirsan Xarakada SHM oo fagaarayaal kala hadlay dadka deegaanka ayaa sheegay in Garasweyne uu dib uga howlgeli doono maamulkii Islaamiga ahaa islamarkaana shareecada Islaamka ay mandiqadda ka talin doonto.

Deegaanka Garasweyne ayaa qiyaastii 50 Km dhanka Bari uga beegan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ciidanka Gumeysiga Itoobiya ayaa deegaankan qabsaday laba sanadood ka hor.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada isaga baxay Garasweyne ay u baqooleen dhanka xad beenaadka ay wadaagaan Dhulka Soomaaligalbeed ee gumeysiga kujira iyo gobolka Bakool.

Bishii lasoo dhaafay ayay ciidamada Itoobiya sidaan oo kale uga baxeen degmooyinka Rabdhuurre iyo Buurdhuxulle oo labaduba kawada tirsan gobolka Bakool.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items