Xassan Sheekh: "Cid Aan Dhul Ku Sheeganeyno Iyo Cid Aan Bad Ku Sheeganeyno Midna Ma Jirto" Dhageyso.

Wednesday July 23, 2014 - 19:49:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Xassan Sheekh: "Cid Aan Dhul Ku Sheeganeyno Iyo Cid Aan Bad Ku Sheeganeyno Midna Ma Jirto" Dhageyso.

    Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha DF ayaa sida horeyba looga bartay ka dhawaajiyay hadal yaab leh oo ka fajiciyay dad badan kaasoo ah in wax dhul iyo bad ah oo Soomaaliya ka maqan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha DF ayaa sida horeyba looga bartay ka dhawaajiyay hadal yaab leh oo ka fajiciyay dad badan kaasoo ah in wax dhul iyo bad ah oo Soomaaliya ka maqan.

Isagoo maalintii shalay khudbad ka hor jeedinayay Baarlamaanka ayuu si cad u qiray inuu Qaramada midoobay u gudbiyay qoraal gorgortan lagu galinayo badda Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay inuusan jirin wax dhul ama bad ah oo ka maqan ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha wuxuu Itoobiya iyo Kenya u xalaaleeyay dhulka baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka heystaan kaasoo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaali ah oo la gumeysto!!



"Cid aan cacwo u qabno ama dood u qabno iyo cid aan Dhul ku sheeganeyno iyo cid aan biyo ku sheeganeyno midna ma jirtoā€¯ ayuu yiri Xassan Sheekh isagoo waliba intaa kusii daray iney la xaaltamayaan haddii ay jirto cid dacwo u qabta ama Soomaaliya dhul ku sheeganeysa!!

Isha Warka:idaacadda Alfurqan


Related Items