Sheekh Xasaan Xuseen Aadam Oo Xuriyaddiisa Dib Uhelay.

Friday July 25, 2014 - 19:11:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.2/5 Stars) Total Votes: 9
  • 6 4
  • Share via Social Media

    Sheekh Xasaan Xuseen Aadam Oo Xuriyaddiisa Dib Uhelay.

    Maxkamad kutaal magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa ogolaatay in qaab damiin ah lagusii daayo Sheekha Caalimka ah ee Abuu Salmaan Alsoomaaliyi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Xassan Xuseen iyo Xaaskiisa oo maxkamad hor fadhiya
Maxkamad kutaal magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa ogolaatay in qaab damiin ah lagusii daayo Sheekha Caalimka ah ee Abuu Salmaan Alsoomaaliyi.

Qaar katirsan ducaadda ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in sheekha Xassaan maanta gelinkii dambe lasii daayay.

Boqolaal katirsan ardayda dalabul cilmiga ee sheekhu duruusta ugu akhrin jiray masjid kuyaal magaalada Nairobi ayaa buux dhaafiyay guriga Sheekha si ay usoo booqdaan sheekha.

Booliska Kenya ayaa sedax bilood ka hor gacanta ku dhigay Sheekh Xasaan Xuseen Aadan oo ah wadaad daaci ah caana ka ah Soomaaliya iyo Bariga Afrika,sheekh Xasan qabashadiisa waxay qeyb ka aheyd howlgal raaf ah oo ciidanka Kenya ka fuliyeen xaafadda Soomaalidu ku badantahay ee Islii.


Eedaymo ay laamaha wardoonka Kenya kusoo oogeen Sheekha oo ahaa in gurigiisa Bambaano laga helay ayaa beenoobay sida uu qareenka sheekha udoodayay sheegay.

Sheekhan Daaciga ah ayaa horay usheegay in lajahridda xaqqa uusan ka laaban doonin dhibka kasta oo loo geysto waxaana xusid mudan in sheekh Xasaan uu kamid yahay culimada fara kutiriska ah ee shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah kalsoonida ka heystay kadib markii culimadii kale hoosta ka galeen maamullo dawaaqiid ah ayna ku milmeem siyaasadda xarig jiidka ah ee Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items