Ex-Xildhibaan Saalax Bad-Baado Oo Ka Mid Ahaa Raggii Fuliyey Weerarkii Xalane (Dhageyso Wareysi Lala Yeeshay)

Wednesday July 27, 2016 - 12:45:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 21186
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 10 6
  • Share via Social Media

    Ex-Xildhibaan Saalax Bad-Baado Oo Ka Mid Ahaa Raggii Fuliyey Weerarkii Xalane (Dhageyso Wareysi Lala Yeeshay)

    Saalax Nuux Ismaaciil oo ku magacdheer (Saalax Bad-baado) islamarkaana ah Aabe 57 jir ah, oo soo maray maraaxil kala duwan oo taariikhi ah ayaa ka mid ahaa Raggii fuliyey weerarkii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Saalax Badbaado ayaa ka Towbad keenay la shaqeynta DF-ka sanaddii 2010
Saalax Nuux Ismaaciil oo ku magacdheer (Saalax Bad-baado) islamarkaana ah Aabe 57 jir ah, oo soo maray maraaxil kala duwan oo taariikhi ah ayaa ka mid ahaa Raggii fuliyey weerarkii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.



Allaah ayaa ka soo bad-baadiyey la shaqeynta maamulladii kala duwanaa ee shisheeyuhu soo dhisay, ka dibna tusay wadada Jihaadka iyo Istish-haadka illaa ugu dambeyntii uu noloshiisa ku soo gabagabeeyey halkaasi.

Saalax wuxuu ku dhashay degmada lagu magacaabo Gar-Adag oo ka tirsan gobolka Sanaag sanadkii 1960-kii. Wuxuu waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ku soo qaatay degmooyinka Shiikh iyo Ceerigaabo, ugu dambeyntiina Dugsiga sare kaga soo baxay magaalada Hargeysa ee Xarunta gobolka Waqooyi-Galbeed.



Wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka dowladihii kala duwanaa ee soo maray Soomaaliya sanadihii 2000 ilaa 2010-ki, isagoona lasoo shaqeeyay xukuumadihii TNG,Dowladdii Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo xukuumaddii KMG-ka ee Shariif Sheekh Axmed.

10-kii Febraayo ee sanadkii 2010 ayuu ka towbadkeenay falkiiĀ  uu ku jiray xilligaas oo uu meel fagaare ah ka cadeeyey in uu Allaah u towbadkeenay uuna ku jiray fal gaalnimo ah.

Xilligaas wixii ka dambeeyey Saalax waxaa lagusoo dhaweeyey wilaayaatka Islaamiga, Waxaana gacmaha u furay Xarakada Al Shabaab, Isagoona Nasiib u yeeshay in uu isaga kala gudbno wilaayaatka Islaamiga iyo furimaha dagaalka, kana qeybgalo dowraadka, Xalaqaadka iyo kulamada wadatashiga ah ilaa ugu dambeyntii uu noqday nin fahmay sidoo kalena bartay macaanida diinta Islaamka.



Wuxuu ku soo waxbartay oo uu ka soo qalin jabiyey machadka culuumta sharciga ee Cabdalla Cazaam, halkaas oo uu ku xareysnaa muddo hal sano ah, Wuxuuna sidoo kale la soo shaqeeyey Makaatib kala duwan oo uu ka mid yahay Maktabka Dacwada, Maktabka Tacliinta, Maktabka Ashbaalka, iyo Maktabka Istish-haadiyiinta oo uu hadda ka tirsanaa.

Saalax Badbaado wuxuu ahaa Nin mowqif adag leh oo aan qarsan waxa uu aaminsanyahay, wuxuu sheegi jiray in dalku gumeysi kujiro islamarkaana uusan jeclayn nolosha inta Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Uganda ay Soomaaliya maamulayaan.

Idaacada Islaamiga Andalus ayaa wareysi gaar ah oo qiimo badan la yeelatay Saalax Bad-baado ka hor inta uusan u dhaqaaqin hadafkiisa, Wuxuuna dirayaa fariimo dhowr ah oo ku wajahan dadka Soomaaliyeed, Mujaahidiinta iyo cadowga soo duulay.


Halkan ka dhageyso Wareysiga Sheekh Saalax Badbaado MP3

Source:Radio Andalus

Related Items