Sawirro:Rag Dhimashadooda Ku Faraxsan oo Muqdisho Lagu dilay!

Thursday July 24, 2014 - 11:18:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Rag Dhimashadooda Ku Faraxsan oo Muqdisho Lagu dilay!

    Maxkamadda waxa loogu yeero ciidamada qalabka wada ayaa maanta dilal toogasho ah ku xukuntay afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamaantana xukunkaasi dilka ah ayaa lagu fuliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba kamid ah dhalinyarada shahiiday oo dhoolla Caddeynaya
Maxkamadda waxa loogu yeero ciidamada qalabka wada ayaa maanta dilal toogasho ah ku xukuntay afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamaantana xukunkaasi dilka ah ayaa lagu fuliyay.



Barxadda iskoola Boliiziyo ee degmada Xamar Jajab oo ah halka ay dadka ku toogtaan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu toogtay afartan dhalinyarada ah.

Liibaan Yaroow oo fagaaraha dilku ka dhacayay kula hadlay saxaafadda ayaa akhriyay magacyada ragga ladilay iyo dambiyada ay ku eedaysnaayeen.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in dhalinyarada ladilay markii lakeenay fagaaraha oo loosii waday tiirka toogashaday ay dhoolla cadeynayeen ayna ku faraxsanaayeen in ay heleen wixii ay muddo raadinayeen oo ahaa "shahaaddo in alle dartiis loo dilo”.



Saxaafadda ayaa soo sawirtay dhalinyarada oo dhoola caddeynaya kuna faraxsan xukunka dilka ah oo ay ku fulinayaan maleeshiyaad dabadhilifyo u ah shisheeyaha nasaarada ah ee Soomaaliya kusoo duulay.

Ragga ladilay ayaa kala ahaa

1-Nuur Cabdulle Cawaale
2-Caawiye Axmed Jaamac
3-Mustafa Maxamuud Shidane
4-Cabdi Naasir Khaliif Max’med


Mid kamida dhalinyarada oo Kalinimada Allaah fartiisa ku ishaaraya kuna faraxsan in gacanta dawaaqiidda uu ku baxo

Dadkii goobta soo xaadiray ayay dhalinyarada ladilay dareen ku reebeen sababtoo ah waxaa la arki jiray qof marka ladilayo murugoonaya balse wali lama arkin qof ladilayo oo qoslaya islamarkaana ku faraxsan in dhanka aakhiro uu ugalbado.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo la sheegay in ay katirsanaayeen ragga maanta ladilay dowladda Xasan sheekh oo muuqata in ay amniga ku fashilantay ayaa si cara leh uleynaysa dhalinyarada xabsiyada ugu xiran waxaana hubaal ah in wiilasha oo laga laayo shacabka Muqdisho ay sii xoojinayso mucaaradada dowladda.

Related Items