Sheekh Abuu Bakar Shekau Oo Ku Gacan Seyray Xilka Qaadis Lagu Sameeyay isagoona Gaaleysiiyay Hoggaanka IS Ee Wadanka Nigeria..

Thursday August 04, 2016 - 12:28:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Abuu Bakar Shekau Oo Ku Gacan Seyray Xilka Qaadis Lagu Sameeyay isagoona Gaaleysiiyay Hoggaanka IS Ee Wadanka Nigeria..

    Sheekh Abuu Bakar Shekau ayaa ku gacan seyray xilka qaadis lagu sameeyay isago saraakiil katirsanaa Jamaacadiisa, Kalimad maqal ah oo uu jeediyay ayaa lagu faafiyay baraha Internetka wuxuuna uga hadlayaa khilaafka kala dhaxeeyay xoogaga Dowladda Isla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Abuu Bakar Shekau ayaa ku gacan seyray xilka qaadis lagu sameeyay isago saraakiil katirsanaa Jamaacadiisa, Kalimad maqal ah oo uu jeediyay ayaa lagu faafiyay baraha Internetka wuxuuna uga hadlayaa khilaafka kala dhaxeeyay xoogaga Dowladda Islaamiga ah.

Shekau ayaa ku dhawaaqay in uu kasoo horjeedo manhajka xoogaga IS oo laba sanadood ka hor uu ku dhawaaqay in uu beyco lagalay.

Hoggaanka Xoogaga IS Ee Nigeria ayuu ku eedeeyay in ay ka leexdeen wadada saxda ah islamarkaana ay ku socdaan wadada Murji’ada sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Abuu Bakar Shekau ayaa carrabka ku dhuftay in uu dib ugu laabtay magaca Jamaacada "Ahlu sunna Lidawacwati Waljihaad" oo reer galbeedku u yaqaanaan Boko Haram balse sheekha ayaa u muuqday in uu kala hadlayo mar wuxuu sheekh Abuu Bakar Al-Baqdaadi ugu yeerayaan khaliifka Muslimiinta marna isaga ayaa isugu yeerayo in uu yahay imaamka Jamaacada Ahlusuna ee Nigeria.


Abuu Muscab Al-barnaawi oo Dowladda Islaamiga ah ay shalay u magacaawday amiirka Wilaayada Galbeed Afrika oo loola jeedo Nigeria ayuu ku tilmaamay Kaafir markii hore ahaa Murji’!.

Sheekh Abuu Bakar Shekau ayaa kalimaddiisa uga hadlay sedax arrimood oo kala ah in isaga iyo jamaacadiisa la khiyaameeyey islamarkaana aan loogasoo jawaabin illaa 8 Fariimood oo uu u diray Ciraaq iyo Suuriya sidoo kale wuxuu sheegay in manhaj ahaan ay kala duwanyihiin Hoggaanka IS ee wadanka Nigeria sidoo kale wuxuu sheegay in xilka qaadista lagu sameeyay ay tahay mid aan la qaadan karin.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in xoogaga IS ay muslimiin ka aaminsanyihiin dadka caamada ah ee aan muujin diidmadooda ku aaddan xukuumadaha dawaaqiidda ah, kalimaddan ayaa timid xilli bishii lasoo dhaafay ay warbaahinta reer galbeedku faafiyeen warar sheegaya in khilaaf daran uu hareeyay xoogaga Islaamiga Nigeria.

Kalimaddan oo la dhageysan karo qadar 10 daqiiqo iyo il biriqsiyo ah ayaa ku baxaysa luqadaha Carabiga iyo Hoowsaha oo ah luqad ay ku hadlaan dadka Nigeria, shabakadda Sahara Media ayaa faafisay kalimadda Shekau qeybta luqadda Hoowsah ayuu si faah faahsan uga hadlayaa khilaafka kala dhaxeeya xoogaga IS.

Source: Sahara Media ama Guji Halkan


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items