Tobaneeyo Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Waqooyiga Maali.

Thursday July 24, 2014 - 18:02:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tobaneeyo Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Waqooyiga Maali.

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya diyaarad laga leeyahay wadanka Al Jazaa'ir oo si lama filaan ah loo waayay kadib markii ay kasoo kicitintay garoonka Wagadugu ee Burkina Faasto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya diyaarad laga leeyahay wadanka Al Jazaa'ir oo si lama filaan ah loo waayay kadib markii ay kasoo kicitintay garoonka Wagadugu ee Burkina Faasto.

Wasaaradda difaaca Al Jazaa’ir ayaa sheegtay in uu lumay xariirkii ka dhaxeeyay diyaaradda iyo waaxda socdaalka gaar ahaan qeyb raadaarka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku dhacday waqooyiga wadanka Maali oo ay maamulaan xoogaga mujaahidiinta halka warar soo baxay ayaa sheegayaan in diyaaradda lala helay saaruukh dhulka laga riday.

Taliska ciidanka Faransiiska ee wadanka Maali ayaa xaqiijiyay in 51 qof faransiis ah,20 Lubnaaniyiin ah iyo 7 Al Jazaa’ir ah ay saaranyihiin diyaaradda waxaana loo badinayaa in dadkaasi dhammaantood dhinteen.


Dowladda Al Jazaa’ir ayaa xustay in ay ka cabsi qabto suurtagalnimada weerarka in uu ahaa wax ay ugu yeereen "Argagaxiso”.

Related Items