Afar Katirsan Ciidamada AMISOM oo Magaalada Marka Lagu Dilay iyo Duqeymo Lagu Garaacay Magaaladaasi.

Thursday July 24, 2014 - 21:00:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Katirsan Ciidamada AMISOM oo Magaalada Marka Lagu Dilay iyo Duqeymo Lagu Garaacay Magaaladaasi.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara xooggan lala eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara xooggan lala eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamada shisheeye.

Goob joogayaal ayaa sheegay in mid kamida gaadiidka gaashaaman ee ciidanka AMISOM lagu gubay bartamaha magaalada Marka ee xarunta shabeelaha Hoose.

Afar katirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa oo ka dhacay agagaarka shirkadda Isgaarsiinta NATIONLINK.

Meydadka ciidanka Burundi ayaa lagasoo aruuriyay Buundada Ruusiya,wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada AMISOM ay madaafiic khasaara badan geysatay ku garaaceen xaafadaha magaalada Marka.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Shisheeye ay gaari nuuca dagaalka ah marsiiyeen goobo ganacsi oo shacabka muslimiinta magaalada Marka leeyihiin.

Liibaan Jeexoow

Cabdi Muqdisho

Related Items