Xasan Nuur "Gummaadka Dhalinyarada Dowlad Laguma Noqdo Reer Muqdishana looma caga jugleyn karo".

Thursday July 24, 2014 - 21:44:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Nuur "Gummaadka Dhalinyarada Dowlad Laguma Noqdo Reer Muqdishana looma caga jugleyn karo".

    Kadib fashil dhanka ammaanka ah oo aan kasoo waaqsi laheyn oo ay dhammaan laamaha dowlada Federaalka ah lakulmeen 25 maalmood gudahood ayay ku dhaqaaqeen wax u eg gummaad .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib fashil dhanka ammaanka ah oo aan kasoo waaqsi laheyn oo ay dhammaan laamaha dowlada Federaalka ah lakulmeen 25 maalmood gudahood ayay ku dhaqaaqeen wax u eg gummaad .

Waxgaradka magaalada Muqdisho iyo siyaasiyiinta ayaa jawaab celino ka bixiyay ammaan darrada caasimadda ah iyo tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeen madaxda dowladda waxa ay soo kordhin karto.

Siyaasig Xasan Nuur oo katirsan waxgaradka Muqdisho ayaa sheegay in dilkii xildhibaanad Saado Cali iyo weerarkii madaxtooyada uu ka carreysiiyay Xasan Sheekh iyo saraakiishiisa ammaanka kadibna ay sameeyeen wax ay iyagu u arkeen aargoosi.


"falkii dilka ahaa ee maanta ka dhacay Iskoola Boliisiyo wuxuu u muuqday caro ay madaxda dowladdu kala dul dhaceen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe”ayuu yiri Xasan Nuur.

Dilalka dhalinyarada lala xariirinayo xarakada Al Shabaab ayaa sare uqaadi kara naceybka loo qabo dowladda Federaalka iyo shisheeyaheeda.

"Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe Muqdisho waxay soo martay maamullo kala duwan dadka degganna waxbadan oo waaya aragnimo ah ayay leeyihiin,maanta in wiilashii reer Muqdisho xabsiyada lagasoo baxo oo banaanada lagu toogto waxay sii xoojinaysaa naceybka loo qabo xukuumadda Villa Somalia dadkuna ay shabaabka gabaad siiyaan”Xasan Nuur.

Ugu dambeyntii siyaasigan ayaa ugu baaqay Hoggaanka DF-ka in ay xilalka ay hayaan iska casilaan ayna allaah uga towbadkeenaan la shaqeynta ciidanka shisheeye ee soomaaliya kusoo duulay.


Mahad Yare
SomaliMeMo
Muqdisho

[email protected]


Related Items