Qaraxyo iyo Dilal Ka Dhacay Xaafado Katirsan Magaalada Muqdisho.

Thursday July 24, 2014 - 21:52:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo iyo Dilal Ka Dhacay Xaafado Katirsan Magaalada Muqdisho.

    Dilal qorshaysan iyo qaraxyo ayaa caawa ka dhacay xaafado badan oo katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal qorshaysan iyo qaraxyo ayaa caawa ka dhacay xaafado badan oo katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xoogag hubeysan ayaa caawa fiidkii askari katirsan ciidanka Dowladda Federaalka ku dilay isgoyska Xararyaale ee degmada Wardhiigleey.

Sidoo kale qaraxyo ayaa lagu weeraray saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa DF-ka ku leeyihiin degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in jugta qaraxyo waaweyn laga maqlay xaafadda Suuqa Xoolaha,agagaarka saraha Ceymiska ayaa iyana lagu weeraray maleeshiyaad katirsan PS-ta dowladda Federaalka.


Dilalka iyo qaraxyadan Muqdisho ka dhacay ayaa kusoo aadaya xilli DF-ka ay maanta dilal ku fulisay dhalinyaro ay ku sheegtay in ay katirsanyiin xarakada shabaabul Mujaahidiin.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items